Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo shaqo joojin sameeyay

Boqolaal kamid ah shaqaalaha ayaa dibadbax cabasho ah ka dhigay jidka dheer ee isku xira KM4 iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo ka mudaharaaday shaqaale badan oo si aan munaasab ahayn shaqadii looga joojiyay.

Warar Keydmedia Online
Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo shaqo joojin sameeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda FAVORI L.L.C. ee laga leeyahay Turkiga ayaa shaqada ka cayrisay in ka badan 50 kamid ah shaqaalihii muruq-maalka ahaa ee ka shaqeynayay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde International Aiport.

Arintan ayaa keentay in shaqaalaha ay maanta sameeyaan Shaqo joojin, iyagoo sidoo kale banaanbax ka dhigay afaafka hore ee Garoonka illaa wadada aada Isgoyska KM-4, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin inay shirkad ajnabi ah shaqada ka saarto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa hakad galay mudo saacado ah isku socodka wadada isku xirta Garoonka iyo KM4, waxaana markii dambe xaaladda soo farageliyay Ciidanka Booliska, oo kala eryay dadkii dhigayay dibadbaxa, oo xoog iyo qoriga caaradiisa loo adeegsaday.

FAVORI L.L.C. ayaa tan iyo September, 2013 gacanta ku haysay maamulka Garoonka, iyadoo heshisi 5 sano ah kula jirtay dowladda Soomaaliya kaasoo Baarlamaannka si juujuub ah looga meel-mariyay, wuxuuna ku ekaa 2018.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.