Sheekh Shariif oo Baydhabo kula kulmay Lafta Gareen

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Khamiis ah si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo Baydhabo kula kulmay Lafta Gareen

BAYDHABO, Soomaaliya - Magaaladda Baydhabo waxaa Maanta gaarey wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif, oo dhawaan loo doortay gudoomiyaha Midowga Musharxiinta u tarmaya Xilka Madaxweynaha February 8, 2020. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa shir kula qaatey Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Madaxweyne C/cassis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan Maamulka.

Socdaalka Sheekh Shariif ee Baydhabo, ayaa qeyb ka ah ololihiisa doorashadda, isagoo dhawaan labo jeed tagey magaaladda Jowhar, ee xarunta maamulka Hirshabeelle xiligii doorashooyinka ay ka socdeen.

Lafta Gareen ayaa lagu tirayaa Madaxda ku dhaw Farmaajo, iyadoo doorashadiisii December 2018 ay ahayd mid Villa Soomaaliya isaga ugu hiilisay kadib markii ay xirtay Musharaxii loo saadaalinayay guusha Mukhtaar Roobow.

Musharxiinta ayaa maanta soo saarey war-murtiyeed ka kooban 18 qodob, oo ay ugu muhiimsan yihiin inuu Farmaajo kala diro gudiyadda doorashooyinka aan dhex-dhexaadka ahayn, inuu xilka ka qaado Fahad Yaasiin iyo inuu Ciidanka DF kasoo saaro Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.