Shir ka furmaya Garoowe iyo Musharixiinta oo ka qeybgalaya

Shirkan ayaa yimid kadib markii Galmudug iyo Puntland ay maalmoho kahor sheegeen inay dhex dhexaadinayaan dhinacyada isku khilaafsan doorashadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Shir ka furmaya Garoowe iyo Musharixiinta oo ka qeybgalaya

GAROOWE, Soomaaliya - Waxaa la filayaa in magaaladda Garoowe ay gaareen saacadaha soo socda qaar kamid ah Musharixiinta mucaaradka, oo lagu wado inay ka qeybgalaan Shir looga hadlayo khilaafka doorashadda Soomaaliya, kaaso ka duwan midka ay soo abaabushay Machadka Heritage.

Musharixiinta waxay sidoo kale u tagayaan Puntland arrimo ololahooda doorashadda la xiriira, waxayna safaro ku bixin doonaan magaalooyinka waaweyn, sida Boosaaso, Garoowe, Qardho iyo kuwa kale.

Madaxda Galmudug iyo Puntland Qoor Qoor iyo Deni ayaa Khamiistii kulan ay ku yeesheen Gaalkacyo ku sheegay inay dhex dhexaadinayaan muranka u dhaxeeya Musharxiinta Mucaaradka iyo Farmaajo si xal loogu helo khilaafka doorashadda.

Lama oga inuu Farmaajo ka qeybgali doono, laakiin waxay wararku sheegayaan inuu u diri doono Ra'iisul Wasaare Rooble, oo dhawaan booqasho ku tagey Galmudug iyo Puntland, islamarkaana lasoo kulmay Deni iyo Qoor Qoor.

Khilaafka doorashadda waxa uu u muuqdaa mid xalkisia adag yahay, maadaama shuruudaha horyaalla Farmaajo ay culus yihiin inuu fuliyo. Axmed Madoobe ayaa dalbanaya in Ciidanka DF laga saaro Gedo, iyadoo  Musharixiinta ku baaqeen in la kala diri gudiyadda doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.