Shirkii maamul goboleedyada dalka oo dib u dhac ku yimid

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb gelayo shanta maamul goboleed ee dalka, waxaana marti-gelinyo maamulka Galmudug

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii wada-tashiga ee madaxda maamul goboleedyada dalka, kaasoo lagu waday in uu maanta oo Jimca ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta uu shirka dib ugu dhacay, balse ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in madaxda dowlad goboleedyada maanta ay lahaayeen kulamo gaar gaar ah, kuwaaso hor-u-dhac u ahaa shirka oo maalinta berri ah la filayo inuu si rasmi ah u furmo.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyay madaxweynayaasha Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.