Sidee u dhacday xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha?

Xil-wareejinta ayaa dhacday iyadoo Xasan Cali Khayre uu joogo Muqdisho, waxaana lagu tilmaamay arinta mid sharci darro ah, oo baal-marsan dastuurka dalka.

Warar Keydmedia Online
Sidee u dhacday xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska R/Wasaaraha, kadib markii 23-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sii hayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay soo qabteen golihii wasiirada, isagoo u rajeeyey R/wasaaraha cusub in rabbi ku guuleeyo masuuliyadda adag ee u adeeggidda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

“Horumarro badan ayaa laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, sugidda amniga, caddaaladda , waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, dib-u-eegista dastuurka, hagaajinta nidaamka diiwaangelinta shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay Ku-simihii Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, hawlihii adkaa, ee ay soo qabteen muddadii saddexda sano iyo barka ahayd ee la soo dhaafay. Isagoo uga mahadceliyey Golaha Shacabka kalsoonidii ay siiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Xukuumaddiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.