Taliyihii Xabsiga Dhexe oo shaqada laga joojiyay

Fashil ayay dowladda kala kulantay weerarka gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ka dhacay Todobaad kahor, kaasoo ay fududeeyeen Saraakiil katirsan Asluubta, kadib markii hub loo geliyay Maxaabiista Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

Taliyaha Ciidamada Asluubta Jeneral Mahad Cabdiraxmaan [Shub], ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay taliyihi Xabsiga Dhexe ee Xamar, Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye kadib weerarkii dhacay todobaadkii lasoo dhaafay, oo 19 ay ku dhinteen.

Weerarkan ayaa banaanka soo dhigay fashilka amni ee maamulka Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in dagaalkii ka dhacay Xabsiga uu ahaa qorshe la doonayay in lagu sii daayo maxaabiista Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.