Tubihii Qaranka uu dejiyay Khayre oo la baab’iyey

Wasiiradda xil-gaarsiinta ayaa lagu eedeeyay inay wadaan musuq-maasuq iyo boob hantida dadweynaha, iyagoo ka faa'idaysanaya xaaladda kala-guurka uu dalka ku jiro waqtigan.

Warar Keydmedia Online
Tubihii Qaranka uu dejiyay Khayre oo la baab’iyey

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay qortay HOL, shir ay yeesheen Wasiiradda Xukuumadda xil-gaarsiinta Todobaadkii tagey ayaa waxay ku baabi'iyeen tubihii qaranka ee uu dejiyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee xilka laga qaadey July 25 Xasan Cali Khayre.

Barnaamijkan oo ahaa halbeegga Khayre uu ku qiimeyn jiray waxqabadka Wasaaradaha ayaa meesha laga saarey, iyadoo xubnihii hirgelintiisa ku korjoogteyn jiray Wasiiradda hadda lakala diray, si Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha shaqadiisa loo hoos geeyo Farmaajo.

Tubaha Qaranka ayaa caqabad ku ahaa wasaaradadaha inay u madax-bannaanaadaan howlahooda shaqo, taasoo marar badan ay tabashooyin ka gudbiyeen Wasiiradda xiligii xukunka Xasan Cali Khayre, balse waxba laga qaban.

Waa tallaabo kale oo muujinaysa in meesha uu ka baxay Is-xisaabtankii dowladda, iyadoo horey howlgab looga dhigay Baarlamaankii oo ahaa hay'addii sharci-dejinta iyo la-xisaabtanka Xukuumadda, kadib markii in ka badan 70% Xildhibaanada laga dhigay Wasiiro iyo Wasiir ku-xigeenno.

Waxay ahaayeen afar tub oo kala ah: Tubta Horumarinta Dhaqaalaha, Tubta Amniga iyo Caddaaladda, Tubta Arrimaha bulshada iyo Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, kuwaasoo baabi'intooda lagu soo beegay xili aan dalku lahayn Ra'iisul wasaare iyo Xukuumad sharci ah mudo ku dhaw 2 bilood.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], oo Farmaajo u magacaabey si aan dastuurka waafaqsanayn ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha bishii July ayaa markii uu kursiga ku fariistay xafiiskiisa kasoo buuxiyay dhalinyaro beeshiisa ah, oo Somaliland ka yimid, waxayna la wareegeen xafiisyadii shacabka loogu adeegayay, oo ay musuq-maasuq ka billaabeen.

Waxaa kamid ah MZ VISA, oo ahaa xarun laga maamulo xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, islamarkaana qofkii VISA Turkey rabo u mari jiray safaaradda. Hadda waa la xiray xafiiskan kadib marki musuq-maasuq uu ka dhacay. [Halkan ka akhri Warbixin]

Dhabaha xiligan Soomaaliya ku socoto ayaa laga deyriyay, maadaama dalka uu Farmaajo dib ugu celinayo halkii laga keenay 30 sano kahor, kadib markii uu lasoo baxay astaamiha kaligii-taliskii Maxamed Siyaad Barre oo xukunkiisa 21-ka sano burburka iyo barakaca horseeday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.