Turkiga oo hoggaanka u qabanaya la dagaalanka Burcad-badeedda Soomaaliya

Mashruuca howlgallada lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay ku hoos jiraan dano gaar ahaaneed.

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo hoggaanka u qabanaya la dagaalanka Burcad-badeedda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay dhawaan la wareegto taliska Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad-badeenimada ka jirta gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay la wareegi doonto hoggaanka howlgalka wadajirka ah ee "Combined task Force 151", islamarkaana majaraha u qaban doonto howlaha burcad-badeeda looga ciribtirayo Badweynta Hindiya.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhamaadka Bishan July Turkiga uu Ciidamo iyo Maraakiib dagaal u soo diri doono Gacanka Cadmeed, oo hadda ay ka taagan tahay Xiisadda Iran iyo Mareykanka.

Ujeedka ugu weyn ayaa lagu sheegay in uu yahay ilaalinta nabadgelyada Maraakiibta isticmaasha Bada Indian Ocean iyo Gacanka Cadmeed.

Turkiga ayaa doonaya in meel uu kaga duulo xulufada ka dhanka ah ee Imaaraadka iyo Sacduudiga oo haatan dagaalo ka wado dalka Yemen, arintaan ay u noqoneyso istiraatiijiyad uu ku fududeysanayo duulaanka.

Howlgalkan, oo ay ka qeyb-qaadanayaan Ciidamo caalami ah ayaa la aas-aasay 2009, waxaana loogu tala-galay inay kahor tagaan weerarada kooxaha Burcad-badeedka.Waxaa ku mideysan Japan, Kuwait, Pakistan, Korea koofureed, Singapore,Turkey, Kuwait iyo Maraykanka.

Keydmedia Online

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.