Uhuru: Ma aqbali doono duqeymo laga fuliyo Kenya

Al-Shabaab ayaa January 2020 weerar ki qaadey saldhig Mareykanka ku leeyahay Kenya, kaasoo 3 Askari lagu dilay.

Warar Keydmedia Online
Uhuru: Ma aqbali doono duqeymo laga fuliyo Kenya

PARIS - Maraxweyne Uhuru ayaa sheegay in uusan aqbali doonin dalab Mareykanka usoo gudbiyay oo ogolaansho ugu raadinaya duqeymo uu ka fuliyo gudaha Kenya.

Isagoo la hadlayay France 24, Uhuru ayaa xusay in Kenya aysan saldhigyo ku lahayn Al-Shabaab, sidaas darteed aysan ogolaanin doonin duqeymo.

"Waxaan si adag u beeninayaa wararka sheegaya in militariga Mareykanka ay dalbadeen rukhsad si ay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn uga fuliyaan gudaha Kenya. Haddii codsigan oo kale la sameeyo waan diidi doono," ayuu yiri Uhuru.

Uhuru ayaa tilmaamay in weerarada Al-Shabaab ee Kenya ay hoos u dhaceen mudooyinkii dambe, kadib markii Ciidanka ka socda dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay si aad ah u wiiqeen awoodda Kooxda.

Laakiin wuxuu qiray in khatarta Al-Shabaab ay wali jirto, balse taasi micnaheeda ahayn inay u safaxaan Mareykanka inuu duqeymo ka fuliyo Kenya, kuwaasoo khasaaro kasoo gaari kara shacabka.

Dhanka kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka gaabsadey inuu sheego waqtiga ay Ciidanka Kenya kasoo bixi doonaan Soomaaliya, halkaasi oo tan iyo 2011 ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa ku leh gobolka Lamu saldhig drones kasoo duulaan marka duqeymaha ka fulinayaan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.