Villa Soomaaliya oo kala jebinaysa Isbaheysiga Axmed Madoobe iyo Deni

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaanan la dhacsaneyn hanaanka siyaasadeed ee dwoladda haatan jirto.

Warar Keydmedia Online
Villa Soomaaliya oo kala jebinaysa Isbaheysiga Axmed Madoobe iyo Deni

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku howlan tahay kala qeybinta xiriirka saaxiibtinimo iyo midka wadashaqeyn, ee ka dhaxeeya Madaxda sare ee Puntland iyo Jubaland.

Waxaa socda shirar gaar ah oo ay siyaasiyiinta taageersan Farmaajo la yeelanayaan Axmed Madoobe iyo Deni oo haatan ku sugan magaaladda Dhuusamareeb, waxaana la sheegayaa in is faham hordhac ah laga gaaray Khilaafka DF iyo labadaas hogaamiye.

Wararka ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Kheyre ay xalay la kulmeen Deni iyo Axmed Madoobe, iyagoo kawada hadlay Qodobo ay kamid yihiin in dowladda ay ogolaato in xayiraadihii dhanka safarka diyaaradaha laga qaado Jubaland iyo in Villa Soomaaliya ka joojiso faragelinta.

Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inuu shuruudo badan ku xiray heshiiska dowladda Federaalka, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay aqoonsato muddo xileedka madaxweynaha ee afarto sano ah, maadaama dowladda horey u diiday oo KMG u aqoonsatay maamulka ka jira hadda Kismaayo, waxaana lagu ballamay kulamo kale oo lagu dar-dar geliyo arintaan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegayaa in saaka kulan gaar ah la qaateen hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay isana kala hadleen arrimaha is faham darrada ah ee ka dhaxeeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka Axmed Madoobe iyo Deni u aragta mid caqabad ku ah shaqadeeda, waxaana dhowr jeer oo hore fashilmay, isku dayo lagu soo xero gelinayo labadaan Hogaamiye.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.