Waa kuma Musharaxa qarsoon ee Axmed Madoobe dhisayo?

Doorashadda Gollaha Shacabka waxay muhiim u tahay dalka inuu doorto Madaxweyne cusub, waxaana la filayaa in hanaanka socda uu soo dhamaadey dhamaadka 2021.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma Musharaxa qarsoon ee Axmed Madoobe dhisayo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Madoobe maadaama uu Farmaajo dhibaato badan u geystay, wuxuu sanadkan soo dhisayaa saaxiibkiisa Deni, si uu Madaxweyne uga noqdo dalka.

Tani waxay Axmed Madoobe siinaysaa fursad inaan lagu qash-qashaadin kursiga Jubbaland, oo si sharci darro ah ku haystay tan iyo aas-aaska Maamulkan dadkiisa asalka ku dulman 2013.

Axmed Madoobe wuxuu ku sugan yahay Garowe, oo gorgortan kula jiro Deni, oo ah Musharax qarsoon, oo xilka Madaxweynaha Soomaaliya u tartamayo kadib markii laga nacay Puntland.

Deni ayaa haysta Xildhibaanada Puntland laga soo doorto, oo dhamaan ka dhigayo kuwa isaga taageersan oo Wasiiradiisa katirsan, kuwaasoo uu doonayo inay u codeeyaan doorashadda.

Madoobe wuxuu haystaa isna Xildhibaanno badan, oo gaaraya 43 - oo kala ah 27 kursi oo yaalla Kismaayo iyo Garbaharey) 16 Kursi laga soo dooranayo, kuwaasoo uusan maamulin.

Labadan hogaamiye - Madoobe iyo Deni waxay laf-dhuun-gashay ku noqdeen Maamulkii Farmaajo oo ay lugaha qabteen, iyagoo Mucaaradkooda ku saleysnaa danahooda shaqsi.

Deni waa ninkii afka iyo adinka ku difaacayay Axmed Madoobe markii xaaladda ku xumayd ee Farmaajo ku duulay, oo Gedo laga soo qabsadey, islamarkaana Kismaayo lagu go'doomiyay.

Wuxuu heystaa Deni 37 Xildhibaan oo Aqalka Hoose oo Puntland laga soo dooranayo iyo 11 Aqalka sare oo dooran, sidoo kale dhanka Jubbaland wuxuu ka rajeynayaa 43 Aqalka Hoose iyo 11 Aqalka Sare ah, kuwaasoo ugu yaraan 80 u codeysa ka doonayo.

Farmaajo Musharaxiinta uu ka baqayo ayuu Deni kamid yahay, maadaama Daarood isla yihiin, waxaana shaxda doorashadda ay tahay mid Musharax kasta uu raadinayo Xildhibaanadii u codeyn lahayd, kuwaasoo gacanta u galeen Madaxda Maamul Goboleedyada.

Sanadkan doorashadda way ka adag tahay tii 2017, waxaa isku soo taagay in ka badan 20 Musharax, oo u badan kuwa beelaha Hawiye kasoo jeeda, iyadoo ay jiraan Musharixiin siyaasadahooda ku xiran dibadda, gaar ahaan dalalka Khaliijka, sida Qatar iyo Imaaraadka.

Musharixiinta aan taageeradda dibadda haysan mar hore ayuu ka dhamaadey dhaqaalihii ugu tala-galeen doorashadda, maadaama jadwalka codeynta uu dib u dhacayay mudo sanad ah.

Deni waxaa taageeraya Imaaraadka Carabta oo xiriir fiican kala dhaxeeya, isagoo dhawaan dhowr jeer safaro ku tagey dalkaasi, waxaana loo soo balan-qaadey maalgelin dhaqaale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.