Walaac laga muujiyay fashil ku yimaada Shirka Dhuusamareeb

Wuxuu tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso tilaabo walba oo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya,

Warar Keydmedia Online
Walaac laga muujiyay fashil ku yimaada Shirka Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo haddana kamida hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran Xasan Sheekh ayaa maanta ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan wadahadallada DF iyo Maamullada uga socda magaaladda Dhuusamareeb, kuwaasoo la isku mari la'yahay ajandiyaasha.

Isagoo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Madasha ee Muqdisho, ayuu sheegay in ay wali ay qabaan walaac ku aadan in aan go’aan mideysan oo ku saabsan doorashada Soomaaliya lagu gaarin Shirka Dhuusamareeb, oo shacabka oo dhanka u dheg-taagayaan.

Walaaca ugu wayn ee Xisbiyada Siyaasadda ayaa ah in wali aysan cadeyn xilliga doorashada dalka ay dhaceyso, iyadoo waqtigeeda rasmiga ahaa lagu sii siqayo, oo 4 bilood ay kahartay, waxaana jira warar sheegaya in Farmaajo uu maleegayo mudo korarsi sharci darro ah.

Maamul Goboleedyada ayaa sheegay inay doonayaan doorasho dadban, oo heshiis lagu wada yahay, halka arintaasi ay DF diidan tahay oo ay ku doodayso inay raacayso sharciga uu Baarlamaanka meel-mariyay ee ah in dalka ka dhaco doorasho qof iyo cod ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.