Wararkii ugu dambeeyay dhismo ku dumay Xamar-weyne

Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegaa in uusan laheyn waaxda hubinta tayada guryaha la dhisayo iyo kuwa qadiimiga ah.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay dhismo ku dumay Xamar-weyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dhismo saddex biyaano ka koobnaa oo xalay ku dumay degmada Xamar-weyne, kaasoo geystay dhimashada saddex qof.

Dhismahaan oo qadiimi ahaa ayaa ku yaalay xaafada Raqayda, gaar ahaan agagarka Masjidka Marwaazi, ayaa waxaa deganaa saddex Qoys, kuwaasoo gurmad dheer kadib goobta laga soo bad baadiyay qaarkood.

Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan gobolka ayaa booqday goobta, waxaana bur-burka dhismaha hoostiisa laga soo saaray ilaa 12 ruux oo 5 kamid ah bad qabeen.

Todobo kamid 12 qof oo ku dhaawacmay dhismaha soo dumay ayaa la geeyay Isbitaalada Muqdisho, halkaasoo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo, sida uu sheegay duqa Muqdisho oo goobta shir jaraa’id ku qabtay.

Degmada Xamar-weyn ee gobolka Banaadir ayaa ka mid ah degmooyinka ay ku yaallaan Guryaha qadiimiga ah, kuwaasoo sanado badan dhisnaa, waxaana mararka qaar dhacda in ay soo dumaan xilliyada roobabka iyo dabeylaha jiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.