Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb

Ajandooyinka ugu waaweyn ee Miiska saaran waxaa kamid ah Ciidamada DF ee ku sugan Gedo, gudiga doorashadda iyo hanaanka soo xulista Xildhibaanada gobollada waqooyi [Somaliland], oo khilaaf ka jiro.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Shirka Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu Sacaadaha soo aadan si rasmi ah u furmo kadib markii ay gaareen dhamaan Madaxda DF iyo Maamullada.

Wafdigii ugu dambeeyay ee la sugayay oo ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa Maanta safar dhulka ah ku tagey magaaladda, isagoo diyaaraddii wadey ku degtay Cadaado sababo amni.

Farmaajo, Rooble, dhanta Madaxweyne Maamul Goboleed iyo duqa Muqdisho ayaa kuwada sugan Dhuusamareeb, kuwaasoo lagu wado inay yeeshaan kulan socon doono saddex Maalmood, kaasoo xal loogu raadinayo Khilaafka doorashadda.

Shirka Dhuusamareeb ayaa rajada laga qabo ah mid aad u hooseysa, maadaama Madaxweyne Farmaajo iyo Maamullada Jubbaland iyo Puntland isku hayaan qodobo culus, oo in Villa Somalia fuliso ku adag tahay.

Ajandooyinka ugu waaweyn ee Miiska saaran waxaa kamid ah Ciidamada DF ee ku sugan Gedo, gudiga doorashadda iyo hanaanka soo xulista Xildhibaanada gobollada waqooyi [Somaliland], oo khilaaf ka jiro.

Lama oga inuu Farmaajo tanaasul sameyn doono, maadaama dalka sii galayo marxalad adag oo hubanti la’aan dhanka doorashadda ah, iyadoo la filan karo dagaal ama qalalaase inay dhacaan kadib marka uu dhamaado mudo-xileedka Madaxweynaha oo ka dhiman 6 maalin.

Shirarkan oo kale ayaa Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda sanadkii tagey, iyadoo aan kasoo bixin go’aanno loo dhan yahay kadib markii gebo-gabada ay ka baxeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, taasoo keentay in Muqdisho la isagu tago oo September 17 lagu gaaro heshiis doorasho kaasoo hirgelintiisa hadda caqabad ka taagan tahay.

Farmaajo ayaa Shirka iclaamiyay maalmo kahor, isagoo u mudeeyay 1-da February inuu furmo, lana soo xiro 3-da, si uu 5-ta khudbad uga jeediyo Baarlamaanka oo laga yaabo inuu mudo-kordhin 1 sano waydiisto.

Amaanka Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii xalay hoobiyeyaal lagu garaacey Garoonka iyo xaafado kale oo ku dhaw Madaxtooyadda uu Shirka ka furmayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.