Wariye ku dhiiraday inuu wax ka sheego Farmaajo oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdicasiis Gurbiye ayaa horey loogu xiray Muqdisho, waxuuna banaanka ku jooga damiin, isagoo wajahaya eedo la xiriiro qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Warar Keydmedia Online
Wariye ku dhiiraday inuu wax ka sheego Farmaajo oo Maxkamad lasoo taagay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Farmaajo ayaa tacadiyo kula kacay wariyeyaal badan, oo xarig iyo jirdil sharciga ka baxsan kula kacay mudadii saddexda sano ee xafiiska uu joogay, iyadoo arintaas kala kulmay cambaareyn caalami ah.

Wariye katirsana Idaacadda Goobjoog, Cabdicasiis Gurbiye ayaa Shalay mar kale lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir, isagoo loo haysto war uu ku qoray Facebook, oo ku saabsanaa in Farmaajo qaatey Mashiinka neefsiga [Ventilator] oo yaallay Isbitaalka Martiini.

Gurbiye ayaa banaanka ku jooga damiin. Human Rights Watch ayaa toddobaadkii tegay warbixin ay soo saartay ku tilmaantay eedaha ka dhanka ah suxufiga kuwo aan sal lahayn, oo la abuuray, iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in lagu aamusiyo saxaafadda xorta ah.

Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa dalka ugu khatarta badan, oo suxufi ka howlgallo, waxaana ka jirta cuburin lagu hayo warbaahinta madaxa-banaan iyo xoriyatul-qowlka, maadaama dalka ay ka taliyaan maamullo kala duwan, DF iyo Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.