LAAB-LA-KAC MAYA: XASANOW HALA XISAABTAMO
Afartii sano ee xukunka Farmaajo, waxaa si isdaba loogu xad-gudbay xeerarka warbaahinta iyo xoriyadda hadalka, iyadoo la isku dayay in la aamusiyo saxaafadda madaxa banaan ee Soomaaliya, tani waa Warbixinta tifaftiraha Keydmedia Online ee Muqdisho.
Mudadii afarta sano ee uu Farmaajo hogaaminayey Soomaaliya, warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ayaa soo maray xilligii ugu xumaa ee xorriyadda saxaafadda kadib markii ay la kulantay caburin, xariga, dilal iyo caga-jugleyn joogto ah, oo ay ku sameysay dowladda waqtigeedu dhamaaday.
Aragtida dowladda Farmaajo ee ku wajahan saxaafadda waxay ahayd mid gurracan oo lagu aamusinayo codka xorta ah ee loogu gudbiyo shacabka macluumaad sax ah oo dheellitiran oo ku saabsan dhammaan arrimaha ka dhacaya hareerahooda.
Suxafiyiinta iyo madaxda Warbaahinta maxaliga ah, ee aan la jaanqaadin aragtida dawladda waxay marayaan dhibaato aan la qiyaasi karin. Wariyeyaasha Muqdisho hada waxay ka baqayaan dawlada in ka badan Al-Shabaab, waayo qofkasta oo isku daya inuusan u hogaansamo awaamiirta dawlada wuxuu la kulmaa cawaaqib xumo.
Waxay suxufiyiinta dhimanayeen ama ku dhaawacmayeen gacanta kuwa ay ahayd inay difaacaan, waxaana dalka ka cararay howlwadeenno warbaahineed oo badan kadib markii NISA dil ugu hanjabtay iyagoo ku sugan Muqdisho, oo wararka aan jaclaysan dawladda ay adag tahay qof ku sugan magaaladda inuu tebiyo.
In ka badan 8 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya seddexdii sano ee la soo dhaafay. Afar ka mid ah saxafiyiinta (oo uu kujiro nin sawir qaade ah oo nin boolis ah toogasho ku dilay Muqdisho) ayaa ladilay 2018, labo ayaa ladilay 2019 halka laba kale ladilay sanadkii 2020.
Intaas waxaa sii dheer, sanadka 2019 oo kaliya, 12 suxafi ayaa lagu qasbay in dalka ka cararaan, iyagoo ka baqaya xabsi ama dil ay u geystaan Saraakiisha dawladda Farmaajo, oo intii ay xafiiska joogtay sii xumaatay jawiga xorriyadda saxaafadda oo 30-kii sano ee lasoo dhaafay kusoo shaqeynaysay marxladdo adag.
Ku dhawaad 40 wariye ayaa la xiray mudadii afarta sano ee ay jirtay dawladda Farmaajo, waxaana la xiray in ka badan shan xarumood oo warbaahineed oo la weeraray. Ciidamada NISA oo u adeegga Fahad Yaasiin ayaa ah kuwa ugu badan ee geysta xadgudubyadan.
Kuma ekeyn dhibaatada iyo caburinta maamulka Farmaajo suxufiyiinta gudaha, oo waxay u gudubtay wariyeyaal dibadda ku sugan oo Soomaali ah, kuwaasoo uu kamid yahay Haaruun Macruuf, oo VOA Somali katirsan, isagoo fadhigiisu yahay Washington DC.
23-kii Bishii April 2020, NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, iyadoo aysan shaacin dembiga uu galay. laakiin waxay u muuqatay cabsi-gelin kadib markii barnaamijkiisa Galka-baarista kasii daayay warbixinno xasaasi ah oo banaanka soo dhigay shirqoolkii lagu dilay Eng Yariisow iyo kuwa kale.
15-kii bishan, waxay Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay dhageysanayso dacwad ka dhan ah lix qof oo ajnabi ah, oo katirsan hay'adda Cilmi-baarista SAHAN research oo fadhigeedu yahay Kenya, kuwaasoo ay kamid yihiin Rashiid Cabdi iyo Matt Bryden, waana dacwadii lasoo oo raggan NISA ka gudbiso tan iyo 2020.
Waxaa lagu eedeeyay faafinta xogaha amniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed iyo mid Ciidan, iyadoo aysan Maxkamadda soo bandhigin caddeymo, mana jirto go'aan illaa hadda raggan ajnabiga ah laga soo saarey.
In kastoo jawiga cabsida leh ay ku shaqeynayaan Suxafiyiinta Muqdisho, inbadan waxay aaminsanyihiin in nidaamka caburinta ku shaqeeya uusan aamusin karin codkooda, iyagoo muujiyay inay rabaan inay sii ahaadaan kuwo aan la cabsi gelin karin marka la eego caburinta dawlada, in xoriyada Saxaafadu ay sii ahaan doonto mid ka guuleysata kuwa runta neceb.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments