Wasiir dagaal ka dhex hurinaya Beelaha deggan Isku-shuban

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa magacaabey Xildhibaannada Gollaha degaanka, oo ahayd inay doorasho ku yimaadeen, waxaana go'aankiisa kasoo horjeestay odayaasha dhaqanka.

Warar Keydmedia Online

BOOSAASO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa lagu eedeeyay inuu dagaal sokeeye ka dhex hurinayo beelaha wada deggan Tuuladda Isku-shuban, oo katirsan gobolka Bari.

Xiisad ayaa ka taagan degaanka taasoo ka dhalaty magacaabista uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Xildhibaannada Golaha Degaanka. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa kahor yimid qaabka loo qeybiyay Xildhibaanada, oo sed-bursi loogu sameeyay qabiil gaar ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.