Wasiir Goodax Barre oo Qarax ka badbaaday

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo ka dhacay Maanta inta u dhaxaysa degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo, ee gobolka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Goodax Barre oo Qarax ka badbaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa Maanta oo Axad ah ka badbaaday isku-day dil kadib markii kolonyo isaga iyo Mas'uuliyiin kale galbinaysay qarax miino lagula eegtay gobolka Gedo.

Sawirro laga soo qaadey goobta qaraxa oo ah degaanka Uunsi ee ku yaalla inta u dhaxaysa Doolow iyo Beled-Xaawo ayaa muujinaya burbur xooggan oo gaarey Gaariga uu saarnaa Goodax Barre, oo qeybta hore ka gubtay.

Wasiirka waxba kama soo gaarin qaraxa, balse waxaa Keydmedia Online loo xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay labo kamid ah Xildhibaanno la socday oo uu ku jiro C/casiis Dhagaqool oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Illo ku sugan Doolow, ayaa KON u sheegay in qaraxa kadib Wasiirka iyo Mas'uuliyiintii la socday diyaarad lagu soo qaadey, iyagoo lagu soo celiyay magaaladda Muqdisho oo markii hore uga soo tageen safar shaqo oo Gedo u aadeen.

"Kolonyo uu la socday Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu weeraray Miino xilli ay kasoo laabanayeen booqasho uu maanta ku tagay Dagmada Luuq, Wasiirka Goodax
 wuu ka badbaaday balse laba Xildhibaan ayaa dhaawacyo soo gaareen, hadana muqdisho ayay kusoo socdaan," ayuu yiri Ismaaciil Mukhtaar oo katirsan Wasaaradda Warfaafinta DF.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka, oo kusoo aadaya xili xiisad ay ka jirta Gedo, taasoo u dhaxaysay Ciidanka Booliska Turkiga uu tababaray ee Haramcad oo Farmaajo kasoo diray Muqdisho iyo kuwa Jubaland oo gacan ku heynta gobolka ku dagaalamaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.