Wasiir hore: Abiy Axmed wuxuu u ogolaadey Isaias Afwerki inuu “kufasado” Itoobiya

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin, ayaa eedeymo culus u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed, oo xunka qabtay horaantii 2018 kadib is-casilaadii Hailemariam Desalegn.

Warar Keydmedia Online
Wasiir hore: Abiy Axmed wuxuu u ogolaadey Isaias Afwerki inuu “kufasado” Itoobiya

ADDIS ABABA, Itoobiya – Mesfin oo soo noqday wasiir arrimo dibadeedkii ugu mudada dheeraa Itoobiya, oo xilka hayay intii u dhaxaysay 1991 iyo 2010, ayaa ku eedeeyay Abiy Axmed inuu yahay “qaa'inul wadan dambiile ah”.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Tigray Mass Media ayuu ka hadlay xiriirka cusub ee Abiy Axmed la yeeshay dhawaan Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo faragelinta Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

“Abiy Axmed wuxuu u ogolaadey Isaias inuu kufasado Itoobiya,” ayuu yiri Mesfin, isagoo ula jeeda in Madaxweynaha Eritrea ooh adda booqashi sadex maalmood ku jooga Itoobiya inuu yahay qof midabo badan.

Mar wax laga waydiiyay safaradda ay is-dhaafsanayaan Abiy iyo Afwerki iyo xiriirka cusub, ayuu ku jawaabey Wasiirka in wax faa’ido ah shacabka Itoobiya ugu jirin iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa.

Eritrea ayaa taariikh ahaan lagu yaqaanaa faragelin dalalka deriska, oo Soomaaliya ay kamid tahay, iyadoo qeyb ka ahayn aas-aaskii Maxkamadihii Islaamiga 2006-2007, si ay ugala dagaalanto Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka.

Sidoo kale, Eritrea ayaa hadda tababarayso Ciidan Sirdoon oo katirsan NISA, oo madaxa ka yahay Fahad Yaasiin oo xiriir qoto dheer la leh Afwerki, oo Farmaajo siiyay casharro la xiriira kali-talisnimada iyo sida xukunka loogu daaho.

Seyoum Mesfin, oo 20 sano soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u arka isbedelka cusub ee ka socda Geeska Africa mid dhalan-teed ah, oo wadaniyad shaqo ku lahayn, islamarkaana hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay ka shaqeynayaan inay waqti dheer dalalkooda xukumaan.

Ugu dambeyn, Mesfin wuxuu sheegay in mudo-xileedka Abiy Axmed uu dhamaadey 2018, islamarkaana aan hadda ahayn Ra’iisul wasaare sharci ah. “Itoobiya waqtigan kama jirto dawlad la doortay”.

Itoobiya ayaa dhexda uga jirta xiligan dhibaatooyin waawayn, oo ay kamid yahay kala qeybsanaanta qowmiydaha dalkaasi, iyadoo maamul goboleedyada qaarkood, sida midka Tigreega ay xiriirka u jareen dawladda uu hogaamiyo Abiy Axmed, iyagoo dhawaan qabsadey doorashooyin heer gobol, waxayna qaadaceen go’aankii Baarlamanka ee ahaa in sanadkan soo socda dib loogu dhigay doorashadda guud sababo la xiriira Coronavirus.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.