Weerar ka dhacay Saldhig military oo ku yaall duleedka Kismaayo

Dadka degaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo xili uu socday dagaal toos ah oo labada dhianc u dhaxeeya, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacay Saldhig military oo ku yaall duleedka Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaadey Saldhig ay degan yihiin Ciidamo uu tababaray Mareykanka oo ku yaalla degaanka Baar-Sanguuni, oo 50-KM dhanka waqooyiga uga beegan Kismaayo.

Weerarka ayaa ku billowday qarax gaari oo saldhigga iridiisa ka dhacay, iyadoo kadib ay gudaha u galeen dagaalyahano katirsan Kooxda Al-Shabaab, oo halkaasi mudo ku dhawaad hal saac kula dagaalamay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Al-Shabaab ayaa dib looga saarey xerada kadib markii Mareykanka uu diyaarado kusoo weeraray, oo dhanka cirka ka duqeeyay, sida ay Keydmedia Online u sheegeen qaar kamid ah dadka ku nool degaanka Baar-Sanguuni.

Xaaladda ayaa degan hadda, waxaana saldhiga ku sugan Ciidankii horey u joogay oo la sheegay inay dhaawacyada iyo meydadka goobta ay ka qaadeen, loona daabulay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubaland.

Bishii June 2018, askari u dhashay Mareykanka ayaa lagu dilay 4 kalena waa lagu dhaawacay weerar Al-Shabaab kuq aadey saldhiga oo xiligaasi la dhisay, si looga abaabulo howlgallada ka dhanka ah argagaxisadda.

Baar-Sanguuni waxay kamid yahay meelaha laga difaaco Kismaayo oo tan iyo 2012 ku jirtay gacanta Axmed Madoobe oo ay taageerayaan Ciidanka dowladda Kenya, oo qeybka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.