Weerar lagu qaadey Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Tan iyo markii Ahlu Sunna meesha ka baxday, Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay dib ula wareegto Dhuusamareeb iyo magaalooyinkii kale ee mudada dheer gacanteeda ka maqnaa.

Warar Keydmedia Online
Weerar lagu qaadey Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa xalay weerar kuq aadey Garoonka Ugaas Nuur ee magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Gamudug, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

Weerarka oo loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa dhalisay cabsi xoog leh, oo ku saabsan in diyaaradaha ay ka wareegtaan magaaladda sababo amni dartooda, maadaama ay Al-Shabaab ay awoodda inay gantaallo kusoo rido.

Sarkaal laamaha amniga Galmudug katirsan, oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in ugu yaraan 10 hoobiye xalay ay ku dhaceen gudaha iyo banaanka Garoonka, islamarkaana ay Ciidamada Jabuuti ku jawaabeen rasaas culus.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay inay Al-Shabaab kasoo tuurtay degaanada Miir-dugul iyo Ceel-Cali Mire, oo Koonfurta Bari ee Dhuusamareeb ku yaalla, halkaasi oo mudooyinkii dambe ay Kooxda isku aruusanaysay.

Tan iyo 2009, Al-Shabaab marna ma damcin inay Dhuusamareeb weerarto, sababtoo ah waxaa maamulayay Malleeshiyaadka Ahlu Sunna, oo uga awood roonaadeey dagaalladii ay kula galeen gobolka Galgaduud, oo looga saarey Caasimadda Galmudug iyo Guriceel.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.