Dab ka kacay Suuqa Dhuusamareeb

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Ciid, ayaa la kulmay ganacsatadii ku hanti beeshay dabka, isagoo u rejeeyey soo kabasho degdeg ah iyo badal kheyr qaba.

Warar Keydmedia Online

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Dab khasaaro gesytay ayaa Maanta oo Arbaco ah ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dabka ayaa waxuu markii hore ka bilaawday kaalin Shidaal, waxuuna ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhegan, iyadoo gurmad ay sameeyeen shacabka magaaladda lagu guuleystay in la demiyo, inkastoo ganacsato badan ku hanti beeleen. Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug, kana jiro ganacs sii kobcaya ayaan lahayn hal dab-demis.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.