Xarun Fiisaha Turkiga lagu bixin jiray oo musuq-maasuq loo xiray

Markii uu Farmaajo xilka ka qaadey Khayre July 25, waxaa Xargaha goostay Musuq-maasuqii hay'adaha dowladda iyo xafiisyadii dadweynaha loogu adeegi jiray ee ku yaalla Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Xarun Fiisaha Turkiga lagu bixin jiray oo musuq-maasuq loo xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaruntii MZ VISA ee Muqdisho ayaa albaabada la isagu dhuftay kadib markii la ogaaday inay noqotay meel musuq-maasuqa oo la degay, oo shacabka Soomaaliyeed ee codsanayay dal ku galka Turkiga lagu dhici jiray.

Waxay arintaan soo shaac-baxday markii uu Khayre Xafiiska ka tagey July 25, iyadoo dhalinyaro laga keenay Hargeysa, oo awood badan siiyay sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ay meesha kala wareegeen dhalinyaradii horey u shaqeyn jirtay.

Waxay xarunta noqotay mudo kooban oo dalka ka maqan yahay Khayre goobta ugu musuq-maasuqa badan Xafiisyada dowladda maamusho, ee ku yaalla Muqdisho, iyadoo lacago aad u badan ay ka samaynayeen wiilal laga keenay Somaliland, oo Mahdi nuus-nuujiyo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dal ku-galka Turkiga ka codsan jiray xagiiska MZ VISA, iyadoo labadii bilood ee ugu dambeeyay sare u kac xoog leh laga dareemayay qiimaha Fiisaha lagu dalbado, oo ku dhawaad $200 gaartay.

Safaaradda Turkiga ayaa ugu tala-gashay xaruntan in dowladda maamusho, si dadka loogu fududeeyo helidda Fiisaha, oo horey dhibaato ugu qabeen inay toos u tagaan Safaaradda, maadaama xaalad amni darteed qof walba u tagi karin.

MZ VISA ayaa hadda la xiray, waxaana la joojiyay shaqadii bixinta Fiisaha illaa laga dhisayo Xukuumad cusub, oo howsha la wareegta.

Muqdisho ayaa noqotay meel ay usoo shaqo doontaan dhalinyaro ka timaada degaanada Somaliland, kuwaasoo intooda badan laga shaqaalaysiiyo xafiisyada Madaxda ku heebta ah, sida gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Mahdi iyo Wasiirka Warfaafinta, iyadoo kuwa kalena reer Muqdisho ku dhacayaan dhaqaalahooda FOREX been ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.