Xiisad dagaal oo ka taagan Beled-Xaawo

Xalay waxaa ka dhacay degmada dil loo geystay askari kamid ahaa Ciidanka dowladda Federaalka dhawaan geystay gobolka Gedo, kuwaasoo dagaal la galay dhowr jeer kuwa Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Xiisad dagaal oo ka taagan Beled-Xaawo

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Xiisad colaadeed ayaa maanta ka taagan magaaladda Beled-Xaawo, oo ku dhaw xuduuda dalka Kenya, halkaasi oo mudooyinkii dambe isku hor-fadhiyeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Qaar kamida dadka degaanka oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in xiisadda ay cirka isku shareertay kadib markii rag hubeysan Suuqa Xoolaha degmada ay ku dileen xalay Diiriye Barre Uboow, oo ka mid ahaa Ciidamada Dowlada, kaasoo qorigiisa AK-47 laga qaatey.

Tan iyo saakay, waxaa la maqlayay rasaas farabadan oo ka dhacaysa Xaafadaha Beled-Xaawo, taas oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan, oo qaarkood sheegaya in ay is way-daarsanayaan labada Ciidan ee is hor-fadhiya.

DF ayaa billooyin kahor diyaarado ku geystay Gedo Ciidanka Haram-cad ee Turkiga uu tababaray, kuwaasoo Farmaajo ku qabsadey magaalooyinka Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq, oo horey uga talin jiray maamulka Axmed Madoobe.

Wixii markaas ka dambeeyay waxuu gobolka noqday saaxad dagaal, iyadoo Xiisadda ay qeyb ka yihiin Ciidamada Kenya oo shacab badan ku xasuuqay degaanada ku dhaw xuduuda, oo ugu dambeysay wiil dhalinyaro ah oo todobaadkan ku dileen duleedka Ceel-Waaq.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.