Xiisad ka taagan Gedo iyo Kenya oo Ciidan soo dhoobtay xadka

Ciidamada difaaca dalke Kenya [KDF] ayaa 4 qof oo shacab ah ka afduubey tuulo hoostagta degmada Ceel-Waaq Todobaadkii tagey, iyagoo dilay mid kamida dadkaas shacabka ah.

Warar Keydmedia Online
Xiisad ka taagan Gedo iyo Kenya oo Ciidan soo dhoobtay xadka

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Ciidan aad u badan oo ka socda dalka Kenya, ayaa soo buux dhaafiyay xuduuda Soomaaliya, iyagoo qaar ay dhinaca Beled-Xaawo usoo tallaabeen, sida ay sheegeen Mas'uuliyiinta gobolka Gedo.

Imaanshaha Ciidanka Kenya ayaa abuurtay Xiisad dagaal, kadib markii Askarta dawladda Soomaaliya ay sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo Militeri oo u muuqda inay uga hortagayaan duulaanka qaawan ee KDF shacabka kusoo qaadeen.

Ciidanka Kenya ayaa maalmo kahor dagaal kula galay Beled-Xaawo Askarta DF, kadib markii rasaas ay ku fureen dad shacab ah oo dhigayay dibadbax looga soo horjeeday dadkii la afduubay iyo dilka qofka shacabka ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiisadda ay soo xoogeysanayso, islamarkaana laga cabsi qabo inuu dagaal u dhaxeeya labada Ciidan inuu ka dhaco Beled-Xaawo, oo mudo dhowr bilood ah ahayd goob colaadeed.

Ciidamada Kenya ayaa usoo tallaabey Soomaaliya markii ugu horeysay 2011, waxaana sanad kadib ku biireen AMISOM, oo haysata ogolaansho QM inay ka howlgasho dalka, laakiin waxaa la diiwaan geliyay in dembiyo dagaal ay geysteen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.