Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Puntland

Xildhibaanno badan ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland Cabdirashiid Yuusf Jibriil oo lagu eedeeyay jebin dastuur iyo ku tagri-fal awoodeed.

Warar Keydmedia Online
Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Puntland

GAROOWE, Soomaaliya - Cabdirashiid Yuusf Jibriil ayaa wajahaya Mooshin ay ka diyaarinayaan Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Puntland, oo ku eedeeyay inuu jebiyay dastuurka sidoo kalena ku xad-gudbay awoodda xafiiska.

Iyagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id, Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa sheegay in gudoomiyaha uu afduubay habsami u socodka howlaha Baarlamaanka, isagoo adeegsanaya Ciidamadiisa gaarka ah.

Waxay Xildhibaannada ugu baaqeen Cabdirashiid Yuusf Jibriil in uu is casilo inta aysan xilka uga qaadin Mooshinka kalsooni kala noqosho ah, oo ay saxiixeen mudaniyaal badan. Arintan ayaa dhalisay xiisad siyaadeed oo ka taagan Puntland.

Madaxweyne Deni ayay ugu baaqeen in uu sugo amniga Xarunta Baarlamaanka ee ku taalla magaaladda Garoowe, oo ay sheegeen in uu Ciidamo farabadan keensaday Guddoomiye Cabdirashiid, oo horey u ahaan jiray fanaan, aan siyaasadda aqoon.

Gadoodka Xildhibaanada ayaa ka dambeeyay kadib buuq iyo fowdo hareeyay fadhiga, kaasoo looga doodayay ajande ku saabsan la xisaabtanka Xukuumadda Deni.

Hadii xilka laga qaadey Cabdirashiid wuxuu noqonayaa gudoomiyihii labaad oo shaqada laga eryo tan iyo doorashadii Deni sanadkii tagey. Kursiga waxaa leh dadka degan gobolka Sool.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.