Xijaar oo safar amniga la xiriira ku tagey Galmudug

Booliska Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya inay amniga goobaha doorashooyinka la wareegaan dhawaan, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Xijaar oo safar amniga la xiriira ku tagey Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa Maanta oo Axad ah gaarey magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug, isagoo ay la socdeen taliyeyaal sare.

Wafdiga taliyaha ayaa Garoonka si diiran loogu soo dhaweeyay, iyadoo kadibna la geeyay saldhigayada Ciidanka Booliska oo kulamo kula leeyahay Saraakiisha ku sugan deganaada Galmudug, oo inta uu ku sugan yahay dib u habeyn ku sameyn doono booliska.

Labo degaanka doorasho ayaa Xildhibaanada lagu soo dooran doonaan Galmudug bisha December illaa January, kuwaasoo kala ah Dhuusamareeb iyo magaaladda Gaalkacyo, halkaasoo la geynayo Ciidamo booliska ah oo amniga sugi doono.

Shanta Maamul Goboleed ee dalka, mid kasta labo magaalo oo kamid ah ayaa lagu qaban doonaan doorashadda Baarlamaaniga, waxaana soo raaca Muqdisho oo lagu doonayo Xildhibaanada beelaha Banaadiriga iyo gobollada waqooyi ee Somaliland.

Galmudug ayaa sheegtay inaysan haysan boolis u gaar ah, sidaas darteed ay dalbanayso in boolis Federaalka ka socda la geeyo degaanada ay doorashooyinka ka dhici doonaan, taasoo DF ay aqbashay, una dirtay Ciidamo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.