Xildhibaanno Galmudug iyo Puntland ka socda oo Gaalkacyo ku kulmay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu casuumay furitaanka kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug kaasoo lagu wado inuu dhawaan ka dhaco magaaladda Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno Galmudug iyo Puntland ka socda oo Gaalkacyo ku kulmay

GAALKACYO, Soomaaliya - Kulankan ayaa ahaa mid dhif iyo nadir ah, waxaana lagu tilmaamay tallaabo loo qaaday dhanka nabada iyo is-dhexgalka labada Maamul oo mudo dheer colaad u dhaxaysay.

Xildhibaanada Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Baarlamanka maamulka Deni, Abdicasiis Abdullahi Cisman ayaa u tallaabay dhinac Koonfurta Gaalkacyo kadib casuumaad ay ka heleen dhigooda Galmudug.

Labada dhinac waxay isku afgarteen inay wada-shaqeyn dhaw yeeshaan, islamrkaana u noqdaan tusaale wanaagsan horumarka labada Maamul ee dhinac dib u heshiisiinta, nabada Gaalkacyo iyo iskaashiga amniga.

Madaxweyniyaasha ee Galmudug iyo Puntland ayaa sidan oo kale sameeyay bishii lasoo dhaafay, oo isku casuumay Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo bulshada ugu baaqey inay gacmaha is-qabsadeen, sidoo kalena soo xiraan boggii colaadda.

Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda dabeylo isbedel doon ah, oo uu Qoor-Qoor hogaaminayo, iyadoo Dhuusamareeb dhawaan marti-gelisay shirar ay isagu yimaadeen madaxda sare ee DF iyo maamullada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.