XOG: Halkee ayay ku dambeeyeen Wadahadaladii DF iyo Somaliland?

Wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo jiitamayay in ka badan 10 sano ah, waxaana u sabab ah hir-gelin la'aanta qodobada laga soo saaro.

Warar Keydmedia Online
XOG: Halkee ayay ku dambeeyeen Wadahadaladii DF iyo Somaliland?

Muqdisho, Soomaaliya -Waxaa baaqday wadahadaladii Dowladda Federalaka Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta oo Axad ah la filayay inay ka dhacaan waddanka Jabuuti sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen Keydmedia Online.

Sababta baaqashada shirkaan ayaa lagu sheegay in Dawladda ay codsatay in la siiyo labo todobaad oo kale, si ay u muujiso diyaar-garow dheeri ah, maadama ay haatan dowladdu ku furanyihiin mowjado siyaasadeed oo kaga imaanaya dhinaca mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada.

Dowladda Jabuuti ayaa Guddida farsamo ee Somaliland oo shalay qorsheynayay in ay Jabuuti u safraan ku wargelisay in ay iska joogaan, shirkana dib u dhac ku yimid, in kastoo Somaliland dhinaceeda aysan weli ka hadlin arinta baaqashada ah.

Qorshaha ayaa ahaa in guddiyada farsamo ee labada dhinac ay ku kulmaan waddanka muddo 15 cesho ah, si loo ambaqaado qodobadii lagu heshiiyay 14 bishii june.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa kamid ah in aan Somaliland laga joojin mashaariicda horumarineed, in aan la carqaladayn isku-socodka bulshada aan siyaasad shaqo ku lahayn ee la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.