XOG: War-murtiyeed 3 qodob ka kooban oo laga soo saarayo Shirka Dhuusamareeb

Kadib afar maalmood oo wadahadal ah iyo is-mariwaa siyaasadeed, waxay madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay soo saarayaan saacadaha soo socda war-murtiyeed wadajir ah.

Warar Keydmedia Online
XOG: War-murtiyeed 3 qodob ka kooban oo laga soo saarayo Shirka Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa isa-soo taraya macluumaadka laga helayo kulamada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada uga socda Dhuusamareeb tan iyo sabtidii lasoo dhaafay, kuwaasoo la isku mari-waayay waqtiga doorashadda la qabanayo iyo nooca ay noqon doonto.

Keydmedia Online ayaa heshay xog ku saabsan in saacadaha soo socda ay Madaxda soo saari doonaan War-murtiyeed wadajir ah, oo ay ku shaacin doonaan saddex qodob, oo ay la wadaagi doonaan shacabka maalmihii lasoo dhaafay isha ku hayay shirkooda.

Saddexda qodob ee lagu shaacin doono War-murtiyeedka ayaa kala ah:

  • In doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, islamarkaana aan wax muddo kordhin la sameynin.
  • In la dhisi guddi wadajir ah, oo heer wasiiro ah oo ka shaqeeya nooca doorashada iyo jidka loo marayo.
  • In Shir danbe la isugu yimaado Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii hore la tagey Dhuusamareeb hal ajande oo ah in dowladdiisa mudo hal sano ah loogu daro waqtigeeda afarta sano, islamarkaana dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taasoo maamulkiisa uu ku fashilmay inuu u diyaariyo dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.