Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Sh/Hoose

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah meesha ugu badan ay ka dhacaan howlgallada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo Mareykanka uu ka fuliyo duqeymaha dhinaca cirka.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal cusub oo DANAB ka fuliyeen Shabeellaha Hoose lagu dilay 7 xubnood oo kamid ahaa Kooxda Al-Shabaab.

Ma uusin sheegin taliyaha goobta uu ka dhacay howlgalka iyo goorta, balse warbaainta dowladda ayaa tebisay in howlgallada gobolka ay xoogeysteen, islamarkaana jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab dagaaladii ugu dambeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.