Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii na dhaafay wuxuu la tagey murugo, waxaa ku jiray maalmo iyo habeenno Soomaaliya laga dilay dad waxgal ah oo leebaantii dalka ahaa, uga boggo warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

25 November 2020: Keydmedia Online ayaa daabacday warbixin ku saabsan in Farmaajo uu kusoo dhacayo bohol uusan ka bixi Karin, oo u uku ridayo Fahad Yaasiin, taliyaha NISA, ahna wakiilka Qatar.

26 November 2020: Musharixiinta mucaaradka, ayaa dalbaday in xilka laga qaado Fahad Yaasiin, si ay u noqoto hay’adda dhex-dhexaad ah, maadaama uu noqday madaxa ololaha doorashadda Farmaajo.

27 November 2020: Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa qarax Is-miidaamin ah ka fuliyay maqaayadda Gelato Divino, oo ku taalla inta u dhaxaysa KM-4 iyo Garoonka diyaaradaha, isagoo dilay 8 dhalinyaro ah.

28 November 2020: 27 sano kadib, Askarigii ugu horeeyay oo American ah, oo lagu magacaabi jiray Michael Goodboe, oo ahaan jiray Navy SEAL, gadaal dambena ku biiray CIA-da ayaa u dhintay qarax ka dhacay Muqdisho.

29 November 2020: Maxkamadda Ciidamada Militeriga ayaa dil toogasho ah ku fulisay Macalin isku bedelay dilaa arxanlaawe ah, kaasoo lagu magacaabi jiray Ilka-Case iyo labo saaxiibadiisa ah, Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Saciid Maxamed, kadib markii December 2019 dil lagu xukumay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay Safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho Lucas Tumbo, iyadoo ku eedeysay xukuumadda Nairobi faragelin qaawan inay ku hayso arrimaha gudaha dalka.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ah Musharixiinta Madaxweyne ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Hargeysa, iyadoo la qabtay xili uu transit ku ahaa, iyadoo booliska aqoonsadeen markii ay arkeen.

Farmaajo, Fahad Yaasiin, Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa Villa Somalia kulan gaar ah ku yeeshay, kaasoo sida Keymedia Online ogaatey looga hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu walaac ka qabo inay Kooxda Al-Shabaab Xildhibaanno ku yeelato Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya, taasina khatar ku tahay amniga gobolka Geeska Africa.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.