Ficiladda Farmaajo oo 71% ku qasbey dhalinta inay ku biirto Al-Shabaab

Hooyooyin Soomaaliyeed baa wali ilinta ka daadanaysa, kuwaasoo carruurtiisa ay ku koriyeen, waxba ku bareen dal burbursan, oo dagaallo ka socdaan, kuwaasoo xiligii ay arki lahaayeen miraha tacabkooda la dilay.

Warbixin Keydmedia Online
Ficiladda Farmaajo oo 71% ku qasbey dhalinta inay ku biirto Al-Shabaab

KEYDMEDIA - Sanadkan wuxuu ahaa mid laga diiwaan-geliyay dowladda Farmaajo ficillo fool-xun, oo baal-madow ka galay Taariikhda, islamarkaana sababey inay lumiso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, dal iyo dibad intaba.

Dhacdooyinkii ugu darnaa waxaa kamid ah kumanaanka dhalinyarada ee loo diray Eritrea, ee dib usoo laban, dilkii Ikraan Tahliil, oo qoyskeeda cadaalad helin iyo saddex dhalinyaro oo Muqdisho ay ku dileen tan iyo habeenkii Khamiista Askarta bil kasta mushaar ahaanta uqaata canshuurta shacabka laga qaado.

Hooyooyin Soomaaliyeed baa wali ilinta ka daadanaysa, kuwaasoo carruurtiisa ay ku koriyeen, waxba ku bareen dal burbursan, oo dagaallo ka socdaan, kuwaasoo xiligii ay arki lahaayeen miraha tacabkooda la dilay.

Hooyada dhashay Zakriye iyo Sowda, labo walaalo ah oo Igoyska Dabka ku dileen Ciidanka dowladda Farmaajo ayaa sheegtay hadal xaqiiq ah, iyadoo tiri: “Cadaalad inaan heli ma sugayo, waayo hooyooyinkii iga horeeyay baa waayay”.

Waa runteed, maxaa yeelay waalidiintii Caruurtooda lagu shubey dabka ka hocaya Itoobiya, si kastoo wadooyinka Muqdisho ugu banaanbaxaan, cidna codkooda iyo ooyintooda ma dhageysan, cadaalada illaa maanta ma aysan helin.

Waxaa ugu dambeysay Qaali Guhaad oo Gabadheeda Ikraan Tahliil ay dileen taliska NISA, kadibna la duugey kiiskeeda, iyadoo hooyaddan iyadoo ka quursatay cadaaladda dowladda Farmaajo dib ugu laabatay Turkiga, oo horey ugu timid markii ay maqashay afduubka Gabadheeda oo 4 sano ka badan Nabad Sugida u shaqeynaysay.

Nin baa bari yiri hadii belo dhacdo xagee baa loo cararaa oo laga dugsadaa , kolkaas ayaa loogu jawaabay baydka Ilaahay [Masjidka], kolkaas ayuu yiri hadii masjidka belo ka dhacdo xagee loo cararaa.?

Wixii dhibaato ahaa ee dhacay shanti sano ee uu xukunka haystay Farmaajo waxay ka yimaadeen dowladiisa, kasoo billow dhiibistii Qalbi-Dhagax illaa dilalkii habeenadii ugu dambeeyay ka dhacay Muqdisho, mana jirto kalsooni lagu qabo isla nimaadkii dembiga galay, inuu cadaalad fallo.

Qubaradda amniga waxay aaminsan yihiin in waxyaabaha ku qasbaya in dhalinyarada ku biiraan Al-Shabaab ay kamid tahay 71% ficiladda dowladda, sida xariga sharci-darrada ah, dilalka iyo ku xad-gudubka xaquuqahooda asaasiga ah.

Akhristow, hadaad dib u eegto taariikhda dowladda waqtigeedu dhamaadey, ma jirto wax la xusi karo oo dalka iyo dadka uga tageyso oo wanaag ah, aan ka ahayn balan-qaad been ah, faan, musuq-maasuq, nin-jeclaysi, ku tagi-fal awoodeed iyo xasuuq shacab.

Farmaajo hal kamid ah balan-qaadyadii uu kusoo galay doorashadda ma fulin, hadii ay ahaan lahayd amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, musuq-maasuqa iyo doorasho qof iyo cod ah, xitaa tii dadbanayd lagama hayo.

Waxaa laha hayaa caburinta mucaaradka ka fekerka duwan, u adeegsiga Ciidanka qaranka danihiisa gaarka, burburinya nidaamka Federaalka, kicinta dagaal sokeeye iyo boob doorasho oo kusoo biyo shubtay.

Dowladihii ka horeeyay Farmaajo, waxay sameeyeen tallaabooyin qofka meel keenay hanaanka iyo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya, oo ugu dambeeyay Xasan Sheekh oo qabtey doorasho kursi walba degaankiisa lagu soo doortay iyo hirgelinta nidaamka Federaalka, oo xal loo arkay xiligan.

Markii uu shacabku arko rajooyin dhanka dowladnimada, waxaa soo baxa dagaal ooge cusub, oo arxan daran, kaasoo aad moodid in hadafkiisu yahay hanti kasbasho, islamarkaana shacabka gaarsiiya quus aan ka soo kabasho lahayn.

Dowladda Farmaajo waxay ku caanbaxdey dabargoyn aan maato iyo maskiin loogu naxayn , burbur iyo halaag dib u dhac ku keena midnimadii, dib u heshiisiintii iyo dhayistii qalbiyada ay qabyaalada iyo dagaalku dilooday.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.