Fursadaha iyo Caqabadaha hor-yaalla deynta cafinta Soomaaliya

Deyn cafinta waa mid dib ugu laabanaysa sanadkii 2013, markii Maraykanku aqoonsaday dowladda Soomaaliya, taasoo horseeday inay IMF iyo World Bank dib usoo celiyaan xiriirka shaqo ee dalkaan dhaca Geeska Africa, ee mudada dheer dagaallada ka socdeen

Fursadaha iyo Caqabadaha hor-yaalla deynta cafinta Soomaaliya

Warbixintaan waxaan isku dayi doonaa inaan ku eegno fursadaha iyo caqabadaha hor-yaalla hanaanka deyn cafinta, kaasoo hadda maraya bar bilow wanaagsan u ah in dalka uu markale deyn dibadda ah helo.

Hay'adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah, sida World Bank iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo kuwa kale ayaa abuuray Geedi socodkan oo marxalado kala duwan iyo wadahadallo dheer soo maray.

Abuurista qorshaha deyn cafinta waxaa lagala tashaday dhammaan Wadamadda deynta ku leh Soomaaliya, oo ku midaysan naadiga la yiraahdo Paris Club, oo Faransiiska gudoomiye u ah xilligan.

Paris Club wuxuu ka kooban yahay Australia, Austria, Belgium, Brazil, Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Israel, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Russian, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, UK iyo US.

Shuruudo adag ayaa la hor-dhigay Soomaaliya, si deynta looga cafiyo, kuwaasoo ay kamid yihiin marka hore in dib u habeyn lagu sameeyo hanaanka maamulka maaliyadda iyo la dagaalanka musuq-maasuqa.

Lacagta dibadda looga leeyahay Soomaaliya waxay gaareysa $5.2 billion, waxaana inteeda badan ku leh Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, IMF, World bank iyo Bangiga Horumarinta Africa [African Development bank].

Fursadaha

Marka laga cafiyo deyntii hore, Soomaaliya ayaa xaq u yeelaneysa in ay lacago kale soo deynsato, iyadoo dalalka caalamka u sahlaysa inay maal-gashi ku sameeyaan khayraadka kala duwan ee dalku leeyahay.

Soomaaliya ayaa sidoo kale helaysa horumarin aan amaah ku jirin iyo deeqo maaliyadeed, oo haddii si sax ah loo maareeyo u keenaysa wadanka horumar dhaqaale iyo mashaariic horumarineed oo dhab ah.

Ganacsatada waxay heli doonaan fursado ay ganacsi dibadda ah ku sameyn karaan, iyagoo adeegsanaya bangiyada ka diiwaan-gashan Bangiga Dhexe, iyadoo ay aqbali doonaan dhamaan bangiyada caalamka.

Maal-gashadeyaal badan oo ajnabi ah ayaa si weyn u daneynaya kheyraadka Soomaaliya, sida shidaalka iyo beeraha, kuwaasoo ay hortaagnaayeen caqabado deynta lagu leedahay dalka ay kamid tahay.

Sida ay aaminsan yihiin dhaqaalyahanada, maalgashiga wuxuu abuurayaa fursado shaqo, kobcinta dhaqaalaha qoyska iyo xasilooni, taasina waxay ku xiran tahay sida loo qaabeeyo mustaqbalka wadanka.

Caqabadaha

Waxaa jira caqabado badan, oo ku-horgudban deyn cafinta Soomaaliya, oo ay kamid yihiin dalka oo aan gacanta ku haynin guud ahaantiisa hal xoog leh, oo lagula xisaabtami karo amaahda cusub ee la siinayo.

Tusaale; Marka Soomaaliya ay rabto inay maalgeliso mashruuc, ayna rabto inay deyn u hesho, yaa kormeeraya geedi socodka? Ma waxaa maamulaysa hal wasaarad mise nidaam aan ku koobnayn hal qof ama hay'ad?

Maamuladda Jubaland, Koonfur Galbeed, Hiir-Shabeelle, Galmudug iyo Puntland, ee wadanka ka dhisan, midna ma ogola inay dowladda Dhexe deyn u qaado mashruuc degaankeeda si gaar ah looga fulinayo.

Khilaafaadka siyaasadeed waxay qeyb ka yihiin caqabadaha dib u dhigi kara deyn cafinta oo meel xasaasi ah maraya hadda, iyadoo dowladda haatan joogta looga fadhiyo inay la timaado nidaam dhameystiran.

Sidee deynta loogu yeeshay Soomaaliya?

Lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay waa mid ay ka tagtay dowladii dhexe ee uu hogaaminayay Jen Maxamed Siyaad Barre, iyadoo tan iyo 1991 sannadba midka ka dambeeya ay sii kordheysay.

Deynta ay Soomaaliya qaadatay xilligii uu dalka ka jiray xukunkii kacaanka ayaa loo adeegsaday mashaariic kala duwan oo la gudagalay wixii ka dambeeyay 1970-meeyadii.

Deymahaas intooda badan waxaa qaadatay dowladdii Dhexe intii u dhaxeysay 1980-kii ilaa 1990-kii.

Qiimaha deynta ayaa is baddalayay 40-kii sano ee aan la bixinin gudahooda.

Qiyaastii $70 milyan oo doolar ayey lacagtaas ahayd sannadkii 1970-kii halka sannadkii 2011-kiina ay mareysay $1.6 billion oo doolar, sida lagu qoray bogga Index Mundi.

Hase ahaatee, hadda waxaa deynta Soomaaliya lagu leeyahay lagu qiyaasayaa $5.2 billion. Waxay dad badan dareensan yihiin in dulsaarka sannad walba fuulayay uu ka batay qiimihii asalka ahaa ee deyntaas.

Muqdisho - KEYDMEDIA ONLINE 




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.