Hishabeelle oo dooneysa in ay Xakameyso laba doorasho oo mar qura

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee muddo xileedka afartii sano ee ugu horreysay ku dhameystay khilaaf iyo laba madaxweyne oo aan xamili karin doorasho ka dhacda deegaankooda ayaa wuxuu isku dayayaan in ay dusha saartaan mar qura laba doorasho oo miisaan culus leh.

Warbixin Keydmedia Online
Hishabeelle oo dooneysa in ay Xakameyso laba doorasho oo mar qura

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu xilka qabtay kaddib markii mooshin lasoo abaabulay xilkii looga qaaday madaxweynihii ka horreeyay ee Cali Cosoble, qiyaastii ku dhawaad laba sano ayaa uga harsaneed muddo xileedka rasmiga ah waxa uuna kamid noqday Golihii ay sameysteen Dowlad Goboleedyadii dalka.

Inkastoo xubin firfircoon uu ahaa haddana wuxuu heshiis hoose la galay madaxda JFS oo uu ka helay ballan-qaad ah in aan xilkiisa loogu imaan muddada u harsan! hayeeshee loo sheegay in la siibi doono kuwa kale sida Cabdi Weli Gaas -kii hoggaaminayay Puntland, Xaaf -kii Galmudug, Shariif Xasan -kii Koonfur Galbeed, iyo ninkii la loollin waayay ee Jubbaland ka xoreystay Farmaajo iyo ciidamadiisa!

Waqtigan aynu joogno oo ah xilli gaba-gabo ah, doorashadii xildhibaannada iyo tii madaxweynaha ee Hirshabeelle ayaa la aadayaa, waxayna ku soo beegantay xilli la qorsheenayo doorashadii guud ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya taasoo waqtigan aanu joogno loo dareeri lahaa doorashadii kuraasta Baarlamanka balse la doonayo in waqti lagu darsado si muddo xileedka 4-ta sano loo kordhisto iyadoo aan sharci lamarin!

Hirshabeelle oo maareyn la’ doorashadeeda, amniga deegaanadeedana ka adkaan weynsay, qeyb ahaan dhulka ay matalaana ay gacanta ku hayaan Kooxda Argagixisadda ee Al-Shabaab, ayaa toddobaadyo kahor waxaa la geeyay caasimadda Jowhar ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya ee aalaaba ka qeyb qaata boobka doorashooyinka dowlad goboleedyada ee loo yaqqaan Haramcadka, waxaana ciidamadaasi ay dowladdu amartay in loo daabulay xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar.

Isla madaxweynaha talada haya ee waqtigu ka sii dhammaanayo ee Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu doonayaa in uu qeyb ku yeesho islamarkaana ay saameyntiisu ka soo muuqato doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya 2021, sida ay Keydmedia Online soo qortay maanta. 

Waare ayaa waxa uu soo magacaabay 4 xubnood oo kamid noqonayo guddiyada doorashooyinka iyo kan xallinta khilaafaadka ee heer federaal kaasoo lagu heshiiyay in la soo dhiso dabayaaqadii September shirkii wada-tashiga ee Villa Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay.

Gudiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Heer Federaal, waxaa Maxamed Cabdi Waare usoo magacawday C/naasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow halka gudiga xalinta khilaafaadka ku mateli doono Farxiyo Xasan Cismaan iyo Liibaan Cismaan Nuur.

Marka laga eego sharci ahaanshiyaha guddigan uu soo magacaabay Madaxweyne Waare waxay u muuqataa wax ka baxsan sharciyadda, waayo madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaaday in uu soo magacaabo guddi doorasho oo heer federaal iyo heer dowlad goboleedba ka kooban waa nidaam ama sharci aan meelna ku qorneen, waxayna kamid tahay boobka waayadan dambe lagu haayo siyaasadda iyo nidaamka guud ee dalka oo aan marnaba la eegeen dastuur iyo rabitaan dadweyne midna.

Dhanka kale, arintaan ayaa ah mid banaanka usoo saareysa isku yaaca Siyaasaddeed ee ka socota dalka uuna wado Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida uu qabo xildhibaan ay Keydmedia Online wareysatay oo sababo amni magaciisa u qarinnay.

"Hadii ay doorashada dhici lahey September, wuxuu kusoo aadi lahaa dhamaadikii xil madaxeedkiisa [Waare]. Marka dib u dhaca ku yimid doorashada ayaa sababtay in uu Waare xiligaan soo gaaro"

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Haa waa arin uusan dastuurka waafaqsaneen, laakiin maanta hadii uusan Madaxweynihii dalka oo dhan uusan qiimeyneyn kuna dhaqmeynin dastuurka, maxaan ka sugeyna shaqsiyaaad kale?"

Akhristayaasha ku taxan Keydmedia Online waxaan xasuusineynaa in dhowrista sharciyadda ay tahay wax waajib ku ah dhinacyada soomaalida ee saameynta togan ee dowladnimada ku dhax leh bulshada dhexdeeda, waxaana qasab ah in la dhowro dastuurkii lagu heshiiyay in lagu dhaqmo, oo aan la eegin heshiis hoosaadka danaha gaarka ah uu ku jiro kaasoo inta badan laga qariyo bulshada, warbaahinta iyo waliba beesha caalamka oo si ka duwan heshiis hoosaayada loogu fasiro iyadoo la isku sabir siinayo in qof kasta tiisana loo meel marin doono.

S/M

KEYDMEDIA ONLINE 




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.