Maxamed Xuseen Rooble

Waa kuma RW Cusub?

Warbixin Keydmedia Online

Ingineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa loo magacaabay xilka Raisul wasaaraha 20aad ee Dalka, hadaba waa kuma Maxamed Xuseen Rooble?

Waa kuma RW Cusub?

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa Ra'iisul wasaare cusub u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble oo bedelaya Xasan Cali Kheyre oo 25 Julay xilka laga tuuray. 

Villa Soomaaliya ayaa caawa waqti dambe bayaanka magacaabista Raisul Wasaaraha cusub soo saartay saacaddo kadib heshiiskii doorashada 2020/21 ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada. 

Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble

Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay taariikh nolodeedka Raisul Wasaaraha cusub ee Dalka: 

Maxamed Rooble oo ah 57 jir ayaa ku dhashay sanadkii 1953-dii degmada Hobyo ee gobolka Mudug, wuxuuna ka yimid Qabiilka Hawiye, Habargidir. Waa xaasle, leh shan caruur, wuxuuna heystaa dhalashada dalka Sweden.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida ku xusan Cv-giisa uu darajadda koowaad ee Jaamacadda uu ka heystaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Shahaadadda heerka Master-ka ayuu ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wuxuuna uga qalanjabiyay culuunta Environmental Engineering and Sustainabale Infrastructure. 

Maxamed Rooble ayaa ku cusub siyaasadda, wuxuuna muddo dheer (14 sanno) lasoo shaqeynaayay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey'adda Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization) ILO. 

Raisul Wasaaraha cusub ayaa Qaramada Midoobay u maamuli jiray mashruucyo gaaraya 200 Malyan oo dollar, sida ku qoran Warqadiisa CV-ga, "Implemented a portfolio of than USD 200,000,000 million programmes in the country in close collaboration with Somali government institutions and the International partners including, European Union, Sweden, Norway, Switzerland and Germany." ayaa ku qoran Warqadda hortaala Keydmedia Online. 

Magacaabista Maxamed Xuseen Rooble ayaa imaaneysa xilli waddanka uu Raisul Wasaare la'aan ahaa muddo ku dhow labo billood, waxaana magacaabidiisu imaanaysaa saacaddo kadib markii lagu dhawaaqey heshiis siyaasadeed oo laga gaarey doorashooyinka dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi sharci ahaanshiyihiisa dood badan dhaliyay, oo lagu tilmaamay sharci darro, ay xilkii kaga qaadeen Kheyre, bishii July.

KEYDMEDIA ONLINE 




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.