Ra’isul Wasaare Maxamed Rooble & Hawsha laga sugayo

Ra'isul Wasaare Rooble oo looga fadhiyo hirgelinta doorasho wada-ogol ah, oo ku dhacda muddo kooban. 

Warbixin Keydmedia Online
Ra’isul Wasaare Maxamed Rooble & Hawsha laga sugayo

Ra’isul Wasaare Maxamed Rooble oo maanta 215 cod buuxa oo kalsoonida Golaha Shacabka helay ayaa looga fadhiyaa in uu dardargaliyo hawlo muhiim ah xiligan kala guurka, taas oo ay u dheer tahay indhaha Soomaalida iyo kuwa Beesha Caalamka oo si gaar ah ula socon doona waxqabadkiisa.  

Ra'isul Wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhowr arrimood, sida doorashooyinka, amniga, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta beesha caalamka. 

Wasiirka koowaad oo aan aheyn qof hore ugu jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa laga filayaa in uu natiijo la taaban karo ka keeno arrimaha doorashooyinka, oo ah meesha ugu horeysa oo lagu qiimeyn doono waxqabadkiisa. 

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in waxqabadkiisa laga dheehan doono nooca xukuumadda uu soo dhisi doono, taas oo laf-dhabar u ah hirgelinta arrimaha doorashooyinka iyo hagaajinta amniga dalka oo dad badan ay u arkaan in uu faraha ka sii baxay. 

Ra'isul Wasaare Rooble ayaa u baahan in uu si taxadar leh u wajaho arrimaha walaacsan ee marxaladda kala-guurka ee siyaasadda Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa dad badani aaminsan yihiin in uu ku fashilmay gaarsiinta dalka doorasho qof-iyo-cod, kadib markii uu xilka ka tuuray Ra'isul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo dad badan ay ku xasuustaan in uu ahaa siyaasi caano-nuug ah oo aan ka fiirsan tilaabooyinkii uu qaaday. 

Dhanka kale, mucaaradka xukuumadda Farmaajo ayaa haatan la aamusan dhalilihii ay dusha kaga tuuri jireen Xukuumadda, kadib magacaabistii Ra'isul Wasaare Rooble, oo ay is leeyihiin waxaa lagu qiimeyn doonaa waxqabadka uu la yimaado. 

Dadka odorosa siyaasadda ayaa ku tilmaamay in amniga iyo hirgelinta doorasho xor ah ay ku imaan karaan oo kaliya kalsooni iyo wadashaqeyn u dhexeysa saamileyda kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

Marka la eego shirkii maamul-goboleedyada iyo kan dawladda federaalka ee lagu soo af-jaray laba asbuuc ka hor magaaladda Muqdisho, waxaa muuqata in kalsooni badani aysan jirin, isla markaana ay adag tahay in natiijo fiican ay kasoo baxdo doorashada fooda inagu soo heysa. 

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.