Live Blogging: Dagaalka Kismaayo

Keydmedia Online - KON ayaa go'aansatay inay Aqristayaasheeda usoo bandhigto Wararka ugu dambeeya ee Kismaayo iyo Dagaalka halkaas ka socda, si Toos ah [Live Blogging], waxaana soo tabinaaya Wariyaha Keydmedia Online iyo Wariyeyaal Madaxbanaan oo ku sugan Magaalada.
Faallo Keydmedia Online
Live Blogging: Dagaalka Kismaayo

KON - Sabti - 16:56 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Kadib markii laga Maleeshiyaad Beeleedka Axmed Madoobe Magaalada Kismaayo, ayaa Taangiyada Ciidamada Kenya si Toos ah Magaalada usoo galeen, waxeyna dib u riixeen Ciidamadii Deegaanka oo uu Hogaaminaayay Barre Hiraale iyo Iftin Baasto.

Wariyaha Keydmedia Online ee Kismaayo ayaa wuxuu noo xaqiijiyay in Ciidamada Kenya ay hada ka Dagaalamayaan Agagaarka Guriga Gobolka iyo Darafka Bari ee Warshada Hilibka oo Xoogaga Ciidamada Degaanka halkaas la iskugu riixay.

Ciidanka Kenya ayaa Dagaalka waxey soo galeen kadib markii Koox Beeleedka Axmed Madoobe ay ku Jabeen Dagaalka labo Maalmood ka socday Kismaayo.

Sidaan Saakay soo qornay, Waxaa Magaalada lagu arkay Maydad badan oo ay kamid yihiin Labo Askaro oo Kenyaan ah.

Gawaarida Gaashaaman iyo Taangiyada oo ay ku Qoranyihiin Summada AMISOM ayaa waxey Madaafiic ku garaaceen Xaafada Guulwade, Madaafiicdaas ayaa waxey Dhulka dhigeen Guryo badan, halkaasoo ay ku dhinteen Dad aan ilaa iyo hada tiradooda la garan karin.

Guryahaas ayaa waxaa kamid ah Guriga Ugaaska Beesha Sade daganyahay, waxaana jira dhaawacyo Culus oo aan la hayn meel lagu daaweeyo.

Markii la wiiqiyay Kooxda Axmed Madoobe ayaa taliska Nairobi wuxuu Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan Amar ku siiyay inay Dagaalka galaan si loo badbaadiyo Maamulka Axmed Madoobe madaxda ka yahay ee dhawaan ismagacaabay.


KON - Sabti - 11:44 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Inta ilaa iyo hada la xaqiijiyay, waxaa Dagaalkii Saakay ku dhinteen 23 ruux oo Shacab u badan.


KON - Sabti - 11:20 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Muqdisho

Wariyaha Keydmedia Online ee Kismaayo ayaa Qadka Telefoonka wuxuu noogu soo gudbiyay in hada Ciidamada Kenyaaanku ay Magaalada Madaafiic waaweyn ku garaacayaan Magaalada, waxaana la dareemayaa waxyeello ay Madaafiicdaas ay Degaanka gaarsiyeen iyo Dadkaba.

Dhinaca Waqooji iyo Bartamaha Kismaaayo ayaa waxaa laga dareemayaa inay ku yaraatay Saanta Dadka iyo mida Gaadiidka oo waxaa laga dhakaday Madaafiicda ay Kenyaanku kasoo tuurayaan 14 KM meel u jirta Kismaayo dhinaca Koofur.

Madaafiicdaan ayaa waxey bilowdeen kadib markii Maleeshiyaad Beeleedka Axmed Madoobe laga saaray Magaalada Kismaayo.

Labo Mayd oo Ciidamda Kenyaanka ah ayaa waxaa lagu arkay Magaalada, waxaana loo jiiday dhinaca Xarumaha Ciidamada Degaanka.


KON - Sabti - 10:30 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Dagaalka ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay dadka ku nool magaaladaas oo billaabay inay ka barakacaan gurayahooda.

Qoyasas ka baqaya in ay Dagaallo ka dhacaan Magaalada ayaa la sheegayaa in ay Ubarakaceen dhanka Sanguuni, Jamaame, Sabca Ashraaf, Jilib iyo Kabsuumo oo ah Magaalooyin ay wali ka taliyaan Kooxda Shabaab-Qaacid.


KON - Sabti - 08:00 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Dagaalo iyo duqeymo xoogan ayaa Saakay dib uga qarxay Kismaayo.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay Weerar rogaal celin ah ku qaadeen Ciidmada Barre Hiiraale, ftiin Xasan Baasto, Cumar Buraale iyo Cabdi Baalleey oo 80% Magaalada la wareegeen.

Xaafadaha Calanley, nawaaxiga wershadda hilibka iyo dalcadda ayaa uu dagaalka xoogiisa ka socdaa.

Dagaalka Kismaayo ee Shalay iyo Saakay ayaa la sheegay in ay ugu yaraan 60 ruux ku Dhinteen.

Wixii Faahfaahin ah kala soco Boggaan.


KON - Jumco - 21:30 (Saacada Soomaaliya) | Xafiiska Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in uu Gabalku ku dhacay Dagaalkii Saakay ka qarxay magaalada Kismaayo iyadoo aan wali lagu kala awood roonaan.

Dagaalkaan oo Sababay Dhimasho iyo dhaawac ayaa skiis u istaagay Maqribnimadii.

Waxaa Caawa Magaalada laga maqlaayaa Xabado teelteel ah, Mana jirto cid magaalada Gacanta ku heysa.

Wariyaha Keydmedia Online ee Kismaayo oo Dariiqyada Xaafada Siinaay soo maray ayaa arkay Mayd badan iyo Burbur xoogan.


KON - Jumco - 20:10 (Saacada Soomaaliya) | Editorial Desk

Websiteyo kusheega Codka Qabaa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.