Al-Shabaab oo 60 ruux ka qafaalatay gobolka Baay

Al-shabaab oo maamusha meel badan oo Koofurta Soomaaliya kamid ah ayaa dadka shacabka ah markii ay diidaan dalabkeeda ugu hanjabta dil ama ganaax. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo 60 ruux ka qafaalatay gobolka Baay

BAYDHABO, Soomaaliya – Wararka laga helayo tuulooyinka hoos taga magaalada Buur-hakaba ee gobolka Baay ,ayaa sheegaya in rag katirsan Al-Shabaab ay halkaas maalinimadii Isniinta aheyd ka qafaasheen ku dhawaad 60 ruux oo dadka deegaanka kamid ahaa.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay dadkaan la aadey dhinaca deegaanka Iidaale, oo katirsan isla gobolka Baay, waxaana lagu soo waramayaa in dadka la qafaashay ay u badnaayeen Odayaal iyo Haween si aad ah looga yaqaanay deegaanka.

Al-shabaab ayaa maalmo kahor amar ku soo rogtay Warbiyood ku taallo tuulada Lahoware oo ku taalla gobolka Baay, iyadoo go’aamisay in qof kasto ee Biyo ka cabaya uu lacag bixiyo, taas oo kacdoon shacab dhalisay.

Dhalinayro iskood isku abaabulay oo arintaan ka dhiidhinaya ayaa la sheegayaa in ay Al-shabaab weerar kala hor tageen, waxaana lagu soo waramayaa inuu dagaal xooggan dhex maray labada dhinac, wallow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Qafaalashada ay sameysay Al-shabaab ayaa lala xiriirinayaa arintaan, waxaana xusid mudan in maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya labaduba ilaa haatan aysan ka hadlin falkaan af-duubka ah ee loo geystay shacabka Buur-hakaba.

Al-Shabaab ayaa ku xooggan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana mararka qaar dhacda in ay amar diido iyo iska-cabin kala kulmaan dadka deegaanka ay caburinta ku hayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.