KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qorshaha ayaa ah in doorashadda ay ka dhacdo degaanada amniga ah, gaar Caasimadaha Maamul Gooleedyada iyo degmooyinka kale ee xasiloon.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa shalay lagu soo gaba-gabeeyay xarunta Xalane Shir looga hadlay arrimaha amniga doorashooyinka, kaasoo ay ka qeybgaleen Wasiiradda Amniga Maamul Goboleedyada iyo taliyeyaasha Ciidamada dalka.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo wada-shaqeynta Ciidamada dalka iyo AMISOM, islamarkaana la iska kaashadda howlgallada lagu xaqiijinayo amaanka dalka kahor doorashadda.
Dawladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Saaxiibadda Beesha Caalamka inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya qorshaha amniga dalka iyo kala-guurka, iyadoo AMISOM ay isku diyaarinayso inay mas'uuliyadda amniga ku wareejiso Ciidanka qaranka.
Amniga dalka ayaan waxba iska bedelin mudadii Farmaajo xafiiska joogay, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dhaceen qaraxyadii ugu waaweynaa, oo uu kamid yahay midkii Zoobe, 14-kii October 2017, kaasoo in ka badan 1,000 qof ay ku dhinteen.
Lama oga in Ciidanka DF awood u leeyihin inay hanan karaan amniga iyo goobaha AMISOM hadda hayso, marka ay Askarta Midowga Africa wadanka ka baxaan sanadka dambe,
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.