Awoodda Al-Shabaab mudadii xukunka Farmaajo

Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay 14-kii October, 2017 Qaraxii ugu waynaa oo Caalamka ka dhaca wixii ka dambeeyay kuwii lagu weeraray Mareykanka 11-kii September 2001.

Warar Keydmedia Online
Awoodda Al-Shabaab mudadii xukunka Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa ku faaney guulo military inuu ka gaarey dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab mudadii uu xukunka hayay, 2017-2020.

Madaxweynaha oo habeen hore ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka argagixisada, ayaa tilmaamay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii Al-Shabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida, lana xoreeyey deegaanno badan oo argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada.

Xaqiiqda kama sheegin Farmaajo xaaladda dhabta ah ee dhulka taalla, marka la eego weeraradii dhacay sanadihii uu xafiiska joogay oo ka marqaati ka kacaya inay sii xoogeysatay khatarta argagaxisadda.

Dowladda Turkiga dalkeeda iyo gudaha Muqdisho waxay tababar ku siiyay kumanaan Askari, oo maalin kasta lasoo bandhigo markii tababarka u dhamaado, laakiin aan laga faa'idaysan Ciidankaas tiradooda iyo xooggooda.

Al-Shabaab waxay fulisay weeraradii ugu waawaynaa tan iyo markii la doortay Farmaajo, kuwaasoo uu kamid yahay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017.

Saddex sano iyo bar ayay ku qaadatey Maamulka Farmaajo inuu Al-Shabaab ka saaro 5 tuulo oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo u dhigmin cududa Ciidan ee la haysto iyo dhaqaalaha caalamka ku bixiyo dagaalka Kooxdan lagula jiro.

AMISOM, oo ka kooban 22,000 oo Askari, kuwa Dowladda oo lagu qiyaaso tiro intaasi aan ka yarayn iyo Ciidan Mareykan ah oo boqolaal gaaraya ayaa AlShabaab hal gobol ka saari waayay mudo 10 sano ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.