Beesha Caalamka: Si dhow baan ula soconaa Shirka Dhuusamareeb

Dhammaan madaxda Soomaalida la xasuusiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka: Si dhow baan ula soconaa Shirka Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo magaalada Dhuusamareeb uga socda wajiga 3aad ee shirka arrimaha doorashooyinka, kaasoo madaxda Jubaland iyo Puntland ka maqan yihiin.

Waxay sidoo bogaadiyeen billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan halka uu dalka aadi doono. 

Saaxiibadu waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed.

Dhammaan madaxda Soomaalida la xasuusiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay.

Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeeyeen in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale.   

Saaxiibadu waxay tilmaameen in si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.