Ciidanka DF iyo dadka degaanka oo dib ula wareegay Bacaadweyne

Degaanka waxuu ahaa mid mudo dheer ah ka dhacayaan weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadeysay mudo sanado ah.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF iyo dadka degaanka oo dib ula wareegay Bacaadweyne

GAALKACYO, Soomaaliya - Dadka degaanka iyo Ciidanka dowladda oo iskaashanaya, ayaa dib ula wareegay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug kadib markii saacadihii hore ee saaka ay ka qabsatay Al-Shabaab.

Dagaal culus ayaa dhacay oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dadka degaanka oo is abaabulay kadibna weerar rogaal celis ah ku qaadey Kooxdan xagjirka ah ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Khasaaro ayaa ka dhashay dagaalka, inkastoo aan tirada la ogeyn. Dadka degaanka waxay soo bandhigeen mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo la qabtay isagoo nool, waxaana lagu wareejiyay Ciidanka guutada 21aad ee Xoogga dalka.

Galmudug ayaa dhawaan shaacisay guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana muuqata in balan-qaadkaas uusan hirgelin, maadaama uu Maamulkan isaga noqday gacan ku gabad, oo lagu soo weerarayo magaalooyinka uu ka taliyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.