Colaadda Itoobiya: Madax Sare oo Xasaanadda laga qaadey

Abiy, oo 44 jir ah waa hoggaamiyaha ugu da'da yar Afrika, wuxuu illaa hadda diidan yahay baaqyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, ee ku saabsan xabbad-joojin deg deg ah iyo wadaxaajood.

Warar Keydmedia Online
Colaadda Itoobiya: Madax Sare oo Xasaanadda laga qaadey

ADDIS ABABA - Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta u codeeyay si aqlabiyad leh qaraar uu soo gudbiyay xeer ilaaliyaha qaranka, oo dalbanaya in xasaanadda laga qaado madaxa sare ee gobolka Tigray xili uu socda dagaal.

Waxaa xasaanadda lagala noqday Dr Debretsion Gebremichael, Asmelash Weldesenbet, Abay Tsehaye, Dr Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo xubno kale oo katirsan TPLF.

Waxaa dacwad lagu soo oogay 38 shaqsi oo kamid ah maamulka gobolka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay maleegeen weerarkii lagu qaadey Ciidamada Federaalka, taaoso sababtay colaadda hadda socota.

Waxaa lagu eedeeyaa inay ku caasiyoobeen dowladda, ay geysteen weeraro ka dhan ah Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) iyo dembiyo kale oo ka dhan ah madax-banaanida iyo amniga dalka.

Abiy Axmed oo horey sumcad iyo magac uga sameeyay dib u heshiisiinta Itoobiya iyo heshiiskii nabadda Eritrea ayaa hadda wajahaya caqabado xalkooda ku adag tahay, oo ay ku jirto colaadda gobolka Tigray.

Dadka degan gobolka Tigray ayaa ka dhigan 6% guud ahaan shacabka Itoobiya oo 110 milyan gaaraya, laakiin waa dad saameyn ku leh Siyaasadda iyo Ciidanka, oo mudo 30 sano xukunka haystay kahor inta uusan Abiy Axmed noqon Ra’iisul Wasaare horaantii 2018.

QM ayaa ka walaacsan dagaalka socda, oo ay sheegtay in 200,000 qof ay ka carareen gobolka Tigray, kuwaasoo gaaren Sudan, oo qaxooti ku noqdeen, iyadoo kuwa badan ay go’doonsan yihiin dalkooda.

Colaadda u dhaxaysay Ciidamada Federaalka iyo TPLF ayaa ka billaabatey weerar lagu qaadey saldhiyo militeri iyo khilaaf ka taagnaa doorasho dhawaan lagu qabtay gobolka, oo dowladda dhexe qaadacday.

Abiy, oo 44 jir ah waa hoggaamiyaha ugu da'da yar Afrika, wuxuu illaa hadda diidan yahay baaqyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, ee ku saabsan xabbad-joojin deg deg ah iyo wadaxaajood.

Itoobiya oo saameyn dhinaca amniga  iyo siyaasadda ku leh Soomaaliya, oo Ciidamo ka joogaan ayaa qarka u saaran dagaal sokeeye, oo carqalad ku noqon kara xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.