Dacwad ka dhan ah AMISOM oo laga furay Mareykanka

DIyaaraddan oo lagu soo ridey bishii May ee sanadkan ayaa waxaa ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa, oo ahaa shaqaale u kala dhashay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale.

Warar Keydmedia Online
Dacwad ka dhan ah AMISOM oo laga furay Mareykanka

WASHINGTON, Maryekanka - Qareeno madax-banaan oo shirkadda Fly Africa ay shaqaaleysay ayaa ka furay Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka dacawad culus oo ka dhan ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Shirkaddan oo laga leeyahay Zimbabwe ayaa ka dacwoonaysa diyaarad ay Ciidamada Itoobiye ee qeybta ka ah AMISOM kusoo rideen 4-tii May 2020 garoonka diyaaradaha degmada Berdaale, ee gobolka Baay xili ay wadey gaargaar bini'aadanimo.

Mid kamida qareennada oo la hadlay VOA Somali ayaa sheegay in Fly Africa ay doonayso inay hesho magdhaw lacageed khasaaraha kasoo gaarey diyaaradda la riday iyo shaqaalihii uga dhintay, oo gaaraya 6 kuwaasoo isagu jiray Soomaaliya iyo Kenyan.

Ciidamada ku sugan Garoonka Bardaale ayaa la sheegay inay diyaaradda ka shakiyeen kadib markii ay ka timid jiho qaldan, oo aan lagu aqoon diyaaradaha inay kasoo degaan, kadibna ay gantaal kusoo rideen.

Taliska AMISOM oo xaruntiisu tahay Muqdisho, ayaa iska fogeeyay diyaaradda lasoo riday, iyadoo uu sheegay in Ciidanka falkan geystay ay yihiin Itoobiyaan, aan kamid ahayn Howlgalka Midowga Africa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.