Dagaal ka dhacay Baardheere iyo Wararkii ugu dambeeyay

Ururka 49-aad ee Ciidan xoogga dalka ayaa saldhigyo ku leh degmada, waxayna Saraakiisha ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Baardheere iyo Wararkii ugu dambeeyay

BAARDHEERE, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey saldhigyada Ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin degmada Baardheere, ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, sida ay sheegeen Saraakiisha.

Dadka degaanka ayaa xalay hurdada uga soo toosey dhawaqa rasaasta iyo bambaanooyinka lagu garaacey degmada, iyadoo Ciidanka DF ay ku jawaabeen hoobiyeyaal si ay isaga caabiyaan weerarka Al-Shabaab.

Dhowr Askari ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalkii dhacay, kaasoo ahaa mid culus oo qaatey ku dhawaad hal saac. Kooxda Al-Shabaab ayaa markii laga awood roonaadey sameysay dib u gurasho.

Degmooyinka Gedo dhamaantood waxay ku jiraan gacanta dawladda iyo Jubbaland, iyadoo Al-Shabaab ay ku sugan tahay degaanada isku xira oo ay kasoo abaabusho weerarada ay ku qaado saldhigyada Ciidanka, si ay amniga u khal-khal geliso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.