Dalalka deriska oo ku biiray tartanka doorashadda Soomaaliya

Soomaaliya ayaa mudo 30 sano ah ahayd meel dalalka Shisheeye ay ku loolamaan dhinaca siyaasadda, colaadda iyo boobka khayraadkeeda, maadaama aan dawladda ka jirin.

Warar Keydmedia Online
Dalalka deriska oo ku biiray tartanka doorashadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Eritrea iyo Jabuuti ayaa muujiyay inay danaynayaan kaalin inay ka ciyaaraan doorashadda madaxtinimada Soomaaliya, iyagoo billaabay inay taageeraan musharaxiinta qaar.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa u kala cararay dalalka dibadda markii doorashadda soo dhawaatay, iyagoo raadinaya dhaqaale ay ku meel-geliyaan ololahooda, sidoo kalena iibsadaan codadka Xildhibaanada Madaxweynaha dooranaya.

Jabuuti ayaa u yeertay Xasan Cali Khayre, oo Musharax ah, halkaa Farmaajo oo aadey Eritrea oo labo maalmood kulamo kula leeyahay Madaxweyne Isaias Afwerki oo sanadihii dambe Ciidan u tababarayay NISA.

Eritrea oo kamid ah dalalkii ka qeyb qaatey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa kusoo biirtay sanadkan dalalka saameynta ku leh doorashadda, maadaama ay xiriir dhaw la leedahay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, oo ku xiran Qatar.

Kenya oo waligeedba ahayd meesha laga malleego lugooyadda iyo dhibaatadda Soomaaliya ayaa noqotay meesha ugu wayn ee xarunta u ah Musharixiinta oo Nairobi ku kulmaya.

Lama oga Kenya cida ay taageerayso, sidoo kale Itoobiya ayaan illaa hadda caddeyn qorshaheeda, laakiin waxaa la hadal hayaa kaalinta dalalka deriska ee doorashadda soo socda ee Soomaaliya, oo la filayo inay ka adkaato midii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.