Deni oo warbixin siiyay Aqalka Sare

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayay inuu xalay la kulmo Deni iyo Axmed Madoobe, balse kulanka baaqday kadib markii Axmed Madoobe miiska soo saarey dalab ku aadan in DF Ciidanka kala soo baxdo Gedo.

Warar Keydmedia Online
Deni oo warbixin siiyay Aqalka Sare

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka horjeediyay kulanka Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Maanta oo Khamiis ah kadib markii uu booqday xaruntiisa Muqdisho.

Deni ayaa Senatarada la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Puntland, dhinacyada amniga , Siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo ay kamid yihiin Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka socda ee ku aadan inay ka dhacdo dalka Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Xubnaha Gollaha iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa u jooga Muqdisho inuu ka qeybgalo Kulan gaar ah oo Farmaajo lagu wado inuu la yeesho isaga iyo dhigiisa Jubbaland, Axmed Madoobe, iyadoo uu fashilmay shirka oo xalay la qorsheeyay inuu ka furmo Villa Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.