Turkiga oo degay wadnaha dhaqaalaha Soomaaliya

Warar Keydmedia Online

Heshiiskii hore waxaa la saxiixay 2013 wuxuuna ahaa inuu sii jiro 20 sano laakiin waxay noqotay in dib looga wada xaajoodo taasoo qeyb ka ah dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Turkiga oo degay wadnaha dhaqaalaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkado laga leeyahay dalka Turkiga sida Albayrak iyo Favori L.LC. ayaa u suurta-gashay inay degaan wadnaha dhaqaalaha Soomaaliya, kadib markii lagu wareejiyay Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, oo ah ilaha ugu wayn dakhliga dawladda.

Ladan Shirkadood oo dalka yimid dawladdii Xasan Sheekh ayaa ku leh dhaqaalaha kasoo xarooda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekadda Muqdisho saami ka badan 50%, waxayna tani ka dhigaysaa inay helaan lacagta ugu badan.

Dad badan ayaa is-waydiinaya sababta dhaqaalahan aadka u badan loo siiyay, taasoo jawaabteeda noqonayso waxay ku muteysteen howlaha casriyeynta iyo ballaarinta Dekadda iyo Garoonka, iyagoo sidoo kale keenay qalab fududeynaya shaqooyinka, sida wiishashka Maraakiibta wax looga dejiyo.

DEKADDA MUQDISHO

Todobaadkii tagey, Albayrak ayaa la saxiixatay Dawlada Federaalka heshiis 14 sano oo cusub, kaasoo ay ku maamulayso Dekeda Muqdisho, kadib markii ay mas'uuliyiinta sare ee DF siisay lacago laaluush ah, oo u fududeeyay heshiiskan cusboonaysiinta, sida Keydmedia Online ay ogaatey.

Saxiixa heshiiskan wuxuu ku yimid wada-hadallo taxane ah oo dib-u-eegis lagu sameeyay hannaanka wadaagga dakhliga ee u dhexeeya labada dhinac. Heshiiska waxaa DF u saxiixday Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac.

Heshiiskii hore waxaa la saxiixay 2013 wuxuuna ahaa inuu sii jiro 20 sano laakiin waxay noqotay in dib looga wada xaajoodo taasoo qeyb ka ah dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, oo la degay musuq-maasuq ka dhex jira hay'adaha dawladda.

“Heshiiska cusub wuxuu amrayaa Albayrak ay bixiso $ 50 milyan muddo shan sano ah oo loogu talagalay in lagu casriyeeyo dekedda, iyadoo ay sii kordhayaan qulqulka ganacsiga,” ayay tiri Maryan Jaamac xili ay ka hadlaysay xafladda saxiixa ee Khamiista.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka DF Mahdi Guuleed ayaa goobjoog ahaa saxiixa heshiiskan, oo Keydmedia Online ay soo qortay 19 August 2020. [Halkan ka akhri Warbixinta].

GAROONKA AADAN CADDE

Waa il kale oo dhaqaale, oo gacanta loo geliyay Shirkadda Favori L.L.C, taasoo mudo ka badan 6 sano Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde maamuleysay, iyadoo lagu eedeeyay shirkadda inay shaqaale Turki ah dibadda ka keensatay, islamarkaanka ku bedeshay kuwii Soomaalida ahaa.

Shirkadda ayaa ka dhex dhisatay Garoonka huteel Casri ah iyo Goobo Ganacsi, iyadoo dakhliga kasoo xaroodda adeegga diyaaradaha ka hesho saami 45% ah. Dhawaan shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka shaqeysta Garoonka ayaa dhigay dibadbax ashtako ah, oo uga dacwoonayaan in shaqooyinkooda la siiyay shaqaale Turki ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyay booqashadii Erdogan uu ku yimid Muqdisho isagoo Ra'iisul Wasaare ah sanadkii 2011, Shirkadaha Turkiga ayaa kusoo qulqulayay dalka, gaar ahaan Caasimadda, iyagoo maalgashiga ku sameeyay Waxbarashadda, Caafimaadka iyo dhismaha.

Soomaaliya ayaa suuq u noqotay badeecooyinka Turkiga lagu sameeyo, iyadoo sidoo kale mudooyinka dambe dadka Soomaalida ah ay billaabeen inay Turkiga guryo ka iibsadaan, inay goobo ganacsi ka furtaan iyo inay waxbarasho iyo Caafimaad u aadaan.

Sidoo kale, Turkiga dhinac amniga dalka wuxuu ka ciyaarayaa kalain fir-fircoon, isagoo ka furtay Muqdisho 3 sano kahor saldhiga ugu wayn Caalamka, kaasoo lagu tababaro Ciidanka gaarka ee Gorgor iyo Haramcad, oo ka muuqda jooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Turkiga Soomaaliya wuxuu ka leehay Istaraatiijiyad fog oo dhinac dhaqaalaha, siyaasadda iyo militeriga isagu jira, waxaana ku lamaanan Qatar, oo gaashaan ka dhigatay markii dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka la colloobeen 2017.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.