DF oo shaacisay waqtiga dib loo furayo duulimaadka Caalamiga

Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha wasiirrada ayaa kulan ay shalay gelinkii dambe ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.

Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID19 oo hoos u dhacay, waxaana goloshu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan wareegga labaad ee COVID19.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.